HARGEYSA (Kaab TV) – Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhaqan-gelisay Siyaasadda Dal-ku-galka Furan (Visa on Arrival Policy), sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda.
Wasaaraddu waxay ku caddeysay in siyaasaddan ay u sahlayso dhammaan dadka u socdaalaya Somaliland inay dal-ku-galka ku qaataan Madaarka Cigaal ee Hargeysa iyo madaaradda kale ee dalka.
“Siyaasaddan waxay Xukuumaddu uga dan leedahay fududeynta safarrada ganacsiga, dalxiiska, arrimaha bini’aadamnimada iyo kor u qaadista dhaqaalaha,” ayuu yiri Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda, Fuaad Axmed Nuur.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay inaan dalka lagu soo geli karin visa ama oggolaansho dal-ku-gal oo aan ka soo bixin Hay’adaha Socdaalka ee Somaliland.

Xukuumaddu waxay dhammaan shirkadaha diyaaradaha ee ka hawl-gala Somaliland ku amartay inay siyaasaddan cusub la wadaagaan xafiisyadooda (stations) iyo rakaabka ay sidaan.
Go’aankan ayaa yimid iyadoo toddobaad ka hor Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday inay bilowday nidaamka dal-ku-galka online-ka ah.
Warar soo baxayna waxay sheegayaan in qaar ka mid ah shirkadaha duulimaadyada ee u kala goosha Somaliland ay rakaabka ku adkeeyaan inay haystaan visa Soomaaliya.
Dhanka kale, Puntland ayaa ku dhawaaqday in dal-ku-galka laga qaadan karo waaxyaha socdaalka ee garoomada diyaaradaha ee maamulkeeda.
Arrimaha socdaalka ayaa u muuqda inay isu rogeen muran siyaasadeed, iyadoo ay weli taagan yihiin khilaafaadka u dhexeeya Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan maamulka hawada.
Sannadkii hore, loollan ku saabsan hagidda diyaaradaha ayaa sababay walaac amni kadib markii diyaarado hawada Somaliland ka galaya iyo kuwa Muqdisho loo hagayo ay isku mar la kulmeen is-marintiisa.

