Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Somaliland oo digniin culus u dirtay DF iyo Puntland

|

Hargeysa (Kaab TV) Xukuumadda Somaliland oo goordhoweyd soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadlayso xaaladda ka taagan Laascaanood, ayaa waxay digniin culus u dirtay dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.

Qoraalka kasoo baxay xukuumadda Somaliland ayaa ugu horeyntii waxaa lagu sheegay in aysan waxba iska badalin go’aankeedii xabad-joojinta, xilli ay Isimida Laascaanood ku sugan ku xirtay dhaqan-galkiisa in ciidamada Somaliland ka baxaan magaalada.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay cadaynaysaa in go’aankeedii ahaa xabad-joojinta aan shuruudda lahayn uu sidiisii dhaqangal u yahay,aysan wax  iska bedelin,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Somaliland.

Waxa kale oo lagu yiri “Somaliland waxay cadaynaysaa in marka horeba ciidamada JSL aanay weerar ahayn ee ay keliya ku jireen isdifaacid, welina ay ku sugan yihiin fadhiisimadoodii.

Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale waxay digniin culus u dirtay dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dowlad-goboleedka Puntland oo ay sheegtay in ciidamo tiro badan keentay xuduudda labada maamul wadaagaan ee aagga Tukaraq.

Waxay sheegtay in tallaabada Puntland ay keeni karto isku dhac ciidan oo u dhaxeeya Somaliland iyo kuwa Puntland, sida lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay xukuumadda Somaliland.

“Waxa muuqata in dhinaca kale aan diyaar u ahayn xabad-joojin si buuxda uga dhaqangasha magaalada Laascaanood, iyaga oo ilaa maanta subaxii hore weerarro is dabajoog ah ku soo qaadayay ciidamada JSL. ”

War-saxaafadeedka ayaa ugu dambeyntiina waxa lagu sheegay in Somaliland ay la socod-siinayso bulshada Soomaalida iyo caalamka in xaaladda Laascaanood ka taagan ay tahay mid ka weyn tabasho bulsho ee uu yahay qorshe ay ku midaysan yihiin kooxo cadow ku ah jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland oo ay ugu horeeyaan kooxaha argagixisada ah.

“Xukuumadda JSL waxa ay u cadaynaynaysaa mar kale bulshada Somaliland iyo caalamka in ay xukuumad ahaan ka go’an tahay hirgelinta xabad-joojintii aan shuruuda lahayn ee xalay ku dhawaaqday kana go’an tahay dhaqangalinta xabad-joojintaasi.”

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News