SO | EN

SO | EN

Somaliland oo iska fogeysay arrin ay ku dhawaaqday DF

|

Hargeysa (Kaab TV)– Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay tirakoob dadwayne oo ay ku dhawaaqday dowladda federaalka Soomaaliya inay ka sameynayso dalka Somaliland ayaa sheegtay inay tahay dal gaar u taagan oo ka madax-banaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sidaas darteed aysan khuseyn tirakoobka ay dowladda federaalka, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay shirka Golaha Wasiirrada Somaliland.

In aaney Qaranka Somaliland khusaynin Tiro koobka ay Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay waddo, maxaa yeelay Jamhuuriyadda Somaliland waa dal gaar u taagan jiritaan ahaanna ka horreeyey Soomaaliya ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay shirka Golaha Wasiirrada Somaliland Bayaanka Golaha ayaa sidoo kale waxa looga hadlay xuska 18 May, ayada oo ugu baaqay in shacabka iyo ciidanka qaabilsan amniga Somaliland inay iskaga kaashadaan ilaalinta nabad-gelyada, islamarkaana ciidanku ay si gaar ah xil-weyn iska saaraan xoojinta amniga.

Si kastaba, Barnaamijka ay ka hortimid Somaliland oo sida qorshuhu yahay laga fulin doono dhamaan dowlad-goboleedyada dalka ayaa waxa uu door muhiima ka ciyaari doona amniga iyo dhaqaalaha sida ay sheegtay dowladda.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News