SO | EN

SO | EN

Somaliland oo jawaab culus kabixisay hadalkii kasoo yeeray Yoweri Museveni

|

Hargeysa (KAAB TV) – Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu dhex-dhexaadiyo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka gooni isu taaga ee Somaliland.

Sidoo kale, Yoweri Meseveni ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Somaliland ay wajahayaan caqabado isku mid ah, ayna u baahan yihiin inay midoobaan, waxa uuna hadalkan ka carreesiiyay maamulka Somaliland oo xasaasiyad ka qaada in ay la midoobaan Soomaaliya.

Hadalka kasoo yeeray madaxweynaha Uganda waxaa iska diiday maamulka Somaliland oo sheegtay in wax micno badan ugu fadhin in xilligan wadahadalo la gasho dowladda Soomaaliya, waxa ayna cadeeyeen in aysan marnaba dhici doonin in ay dib u midoobaan.

Dhanka kale, War-saxaafadeed kasoo baxay wasaraadda arrimaha dibedda Somaliland ayaa lagu sheegay inaysan wax qorshe ah ka laheyn wada-hadallo ku saabsan dib ula midoobidda Soomaaliya.

“Xukuumadda Somaliland waxay caddeyneysaa in wada-hadal kasta oo Somaliland iyo Soomaaliya u furma aanay ka wada-hadli doonin midow, balse ay ku saabsanaan doonaan sidii labadaii waddan ee hore u midaysnaa ay horey ugu dhaqaaqi lahaayeen si kala gooni ah,” ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland.

Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa beesha caalamka iyo Midowga Afrika ku wargalisay in qorshaha marnaba ugu jirin wada-hadal ku saabsan midnimada Soomaaliya ay la galaan dowladda Federaalka .

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News