SO | EN

SO | EN

Somaliland oo ka baxday wada hadalka Soomaaliya

|

HARGEYSA (Kaab TV) – Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo Arbacada, Abriil 16, 2025, ay si rasmi ah uga baxeen wada-hadalladii u dhexeeyay Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal rasmi ah oo uu akhriyey Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in go’aankan la gaaray kadib markii ay Somaliland ku eedeysay Dowladda Soomaaliya inay “si joogto ah ugu kacday xad-gudubyo ka dhan ah Somaliland iyo mabaadi’dii lagu heshiiyay wada-hadalladii hore.”

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale si kulul u cambaareeyay booqashadii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ku tegay magaalada Laascaanood 12-kii Abriil 2025.

Somaliland waxay tallaabadan ku tilmaantay “daandaansi ah xad-gudub ka dhan ah qawaaniinta caalamiga ah iyo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

Xukuumadda Somaliland ayaa xustay inay weli ka go’an tahay nabadeynta gobolka Sool, iyadoo mar kale xusuusisay baaqii nabadeed ee uu jeediyey Madaxweynaha Somaliland xilligii uu xilka la wareegayay 12-kii December 2024.

Warka ayaa lagu adkeeyay in nabaddu tahay mudnaanta koowaad ee Somaliland, balse difaaca qaranimada iyo xuduudaha Somaliland uu yahay arrin aan laga tanaasuli karin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News