HARGEYSA (KAAB TV) -Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa ka digay dabeylo la filayo in ay ku dhufan doonaan Badda Gacanka Cadmeed ee ay Somaliland maamusho.
Qoraal kasoo baxay ciidanka ayaa digniin loogu diray dadka ku dalxiisa badda, kalluumaysatada, iyo cid kasta oo u dhow xeebaha.
“Ciidanka Ilaalada Xeebaha JSL wuxuu digniin u dirayaa dadka ka shaqeeya dhinaca badda sida kalluumaysatada, dalxiisayaasha iyo dhammaan cid kasta oo u dhow xeebaha, inay ka feejignaadaan dhibaatada ka dhalan karta dabeylaha ku kacsan qaar kamid ah xeebaha dalka,” ayaa lagu yidhi digniinta ciidanka.
Sidoo kale, saadaashu waxay sheegtay in heerkulku gaadhi doono 41°C, taasoo ka dhigan in sannadkani yahay mid kamid ah sannadihii ugu kululaa ee ay arkaan dadka ku dhow deegaanka xeebaha Somaliland.
Warbixintu waxay sheegtay in xawaaraha dabeyshu noqon doono 14km/h ilaa 45km/h, taasoo muujinaysa in dabeyluhu aad u xoog badan yihiin, isla markaana khatar galin karaan dadka iyo doonyaha.
Mawjadaha badda ayaa sare u kici doonaan ilaa 1.9 mitir, taasoo ay sababayaan dabeylaha iyo xaaladda cimilada oo xun guud ahaan. Tani waxay khatar gaar ah gelinaysaa cid kasta oo isticmaasha gaadiidka badda.
Sidoo kale, heerkulka xeebaha gaar ahaan qaybta bari wuxuu gaadhi doonaa inta u dhaxaysa 32°C ilaa 41°C, halka guud ahaan heerkulka magaalooyinka iyo deegaanada Somaliland uu aad uga sarreeyo marka loo eego sannadihii la soo dhaafay.