SO | EN

SO | EN

Somaliland oo ka hadashay damaca dowladda Itoobiya ee ku aadan dekadda Saylac

|

Hargeysa (KAAB TV) – Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ey rabto in dekad ugaar ah ka helaan Somalia waxa eyna si gaar ah isha ugu hayaan dekadda kutaala Saylac ee kutaala deegaanada maamulka Soomaaliland.

Sidoo kale, madaxweyne kuxigeenka Soomaaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici ayaa shaaca kaqaaday in aan marnaba dekadda Soomaaliland lagu qaadan dooni hab aan sharci aheyn.

Dhanka kale, Seylici ayaa sheegay in Aby Axmed in uu carbaabay dekadda Saylac oo ay aheyd qaab kaduwan qaabka loo lago heshiisyada caalamiga ah markii wax lakala qaadanaayo.

Cabdiraxmaan Seylici ayaa sheegay in eysan diideynin in heshiis horumarin ah lagagalo dekadda Saylac eyna noqoto sida dekadda weyn ee magaalada Berbera.

Ugudambeynytii, madaxweyne kuxigeenka Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in arrintan ku aadan damaca Itoobiya ee dekadda Saylac ay war kasoo saari doonaan madaxweyne Muuse Biixi iyo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News