SO | EN

SO | EN

Somaliland oo ka hortimid baaqii Qaramada Midoobay

|

Hargeysa (Kaab TV) – Somaliland ayaa soo dhaweysay baaqa kasoo baxay golaha ammaanka ee QM, kaas oo looga hadlay dagaalka magaalada Laascaanood.

Golaha ayaa sidoo kale ka dalbaday Somaaliland inay ciidamadeeda kala baxdo magaalada Laascaanood.

Laakiin Somaaliland ayaa ka hortimid qeyb ka mid ah bayaanka golaha amnaanka, iyada oo sheegtay in si khaldan wax loogu sheegay golaha.

Golaha ayaa sheegay in Soomaaliland ciidamadeeda kala baxday Laascaanood “Waxaan tan iyo xilligaas ay ciidamada Somaaliland difaac adag ku lahaayeen meel ka baxsan magaalada Laascaanood. Ciidamada Somaliland ayaa si adag uga hortagay in ay waxyeelo soo gaarto dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri warka Somaaliland.

Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay in baaqyada wada-haddalada ay diideen madaxda beelaha Laascaanood.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Somaaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Golaha Ammaaanka QM u muuqday mid looga been sheegay xaaladda dhabta ah ee ka taagan Laascaanood, ayna ciidankeedu Soomaaliland ka baxeen Laascaanood 26-kii Febraayo ee sanadkaan.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka in arrintani aanay khatar ku ahayn keliya Somaliland, balse waddamada dariska la ah iyo gobolkaba, sidaas darteed ay tahay waa in goluhu udhag yeeshaa arrinkaan.

“Ma jirto dowlad keli ah oo xakamayn karta khatartan, sidaas darteed dowladda Somaaliland waxay ka codsanaysaa xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inay fiiro gaar ah siiyaan oo ay gacan ka geystaan ​​sidii ay khatartan isa soo taraysa looga hortagi lahaa.”

Sidoo kale Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay  in ciidamada Somaaliland ee Sool ay difaacayaan madax-bannaanida dhuleed ee Somaliland iyo xuduudaheedii la aqoonsaday markii ay madax-bannaanida qaadatay, islamarkaana ay xuduudaha Somaaliland waafaqsan yihiin qodobka 4-aad ee sharciga dhulka Afrika ee QM ay aqoonsan tahay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News