SO | EN

SO | EN

Somaliland oo ku eedaysay dawladda federaalka inay faragelin ku hayso dhoofka xoolaha nool.

|

Somaliland  (Kaab TV) -Somaliland ayaa ku eedaysay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya inay faragelin ku hayso dhoofka xoolaha nool ee dekedda Berbera, iyadoo sheegtay in dakhliga cashuuraha ee ka soo xarooda ganacsiga lagu wareejiyo wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland, Cumar Shucayb Maxamed, ayaa ku dhawaaqay in muddo afar maalmood ah la hakiyay dhoofka Xoolaha, si loo muujiyo diidmo ka dhan ah amarkii Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaan soo saaray.

“Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay inuu soo saari doono warqad uu ku ilaalinayo xoolaha Berbera ka dhoofaya shakhsi Carab ah. Tani waa Somaliland, Xasan Sheekhna ma xukumo,” ayuu yidhi Wasiir Shucayb oo ka hadlayay shirka jaraa’id.

Waxa uu intaa ku daray in Somaliland ay ka go’an tahay inay casriyayso habka dhoofka xoolaha nool, tayeynta tas-hiilaadka dekedda Berbera si ay si fiican ugu dhaqmaan rarista xoolaha iyo dejinta.
Ganacsiga xooluhu waa il dakhli oo muhiim u ah Soomaaliya iyo gobolladeeda. Warbixin uu soo saaray bangiga adduunka ayaa lagu sheegay in dhoofka xoolaha ay ku shubeen dhaqaalaha Soomaaliya in ka badan 3 bilyan oo doolar shantii sano ee la soo dhaafay. Dekadaha waaweyn sida Berbera, Boosaaso, Muqdisho, iyo Kismaayo ayaa fududeeya ganacsigan, iyaga oo si weyn uga qayb qaadanaya dakhliga canshuuraha gudaha iyo kan qaranka.

Warbixintu waxa ay iftiimisay in 2023-kii ay Soomaaliya la kulantay kor u kac dhan 92% oo ah dhoofka xoolaha, taas oo gaadhay $1.07 bilyan, halka sannadkii 2022-kii ay ahayd $558.4 milyan, taas oo muujinaysa qiimihii ugu sarreeyay ee dhoofka xoolaha ee taariikhda dalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News