HARGEYSA (Kaab TV) – Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarada ee Somaliland ayaa ka digtay in diyaaradaha weydiiya dadka u soo safra Somaliland Evisa-ha Soomaaliya inay lumin doonaan fasaxa ay kaga hawlgalaan Somaliland.
Wasiirka Duulista Hawada iyo Madaarada Somaliland, Fu’aad Axmed Nuux, ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay ka warheyso falal ay shirkadaha diyaaradaha ugu soo rogeen caqabado dadka u soo safra Somaliland ee haysta baasaboorada reer galbeedka, kuwaas oo waayadan danbe la weydiinayay inay soo dalbadaan dal-ku-galka Soomaaliya.
“Waxa lala socodsiinaynaa Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland in Wasaaraddu iyada oo gudanaysa Waajibaadkeeda Dastuuriga ah ay qaaday dhammaan tallaabooyinkii loo baahnaa, isla markaaan Diyaaradaha ka hawl-gala Madaaradda JSL iyo kuwa isticmaala Xuduud-Haweedka Somaliland ay si dhammaystiran u raaci doonaan Shuruucda Duulimaadyada iyo Socdaalka ee JSL, ciddii u hoggaansami waydaana ay luminayso Oggolaanshaha Isticmaalka Madaaradda iyo hawada sare ee Somaliland,” ayuu yiri Wasiirka Duulista Somaliland.

Dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafay waxaa si weyn warbaahinta gudaha iyo baraha bulshada loogu arkay dad reer Somaliland ah oo ay ku jiraan siyaasiyiin kuwaas oo sheegay in iyagoo safar ah la weydiiyay inay dalbadaan dal-kugalka Soomaaliya, iyagoo u soo safrayay Somaliland.
Garoomadaha diyaaradaha sida Nairobi, London, Addis Ababa iyo Dubai ayaa la xaqiijiyay inay dhacdooyinka ka dheceen.
Muddo labo bil ka hor ayaa Laanta Socdaalka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay inay soo rogtay habka dal-ku-galka ee lagu dalbado online (Evisa), kaasoo lagu waajibiyay dhammaan diyaaradaha ka hawlgala Soomaaliya inay fuliyaan.
Somaliland oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991 ayaa sheegtay inuusan khuseynin visaha Soomaaliya, waxaana weli taagan muran la xiriira maamulka hawada.
Is qabqabsi ka dhashay maamulka hawada ayaana sannadkii hore sababay in duulimaadyada caalamiga ah ay ka weecdaan hawada Soomaaliya sababo lagu sifeeyay amarro is-khilaafsan oo la siiyay diyaaradaha hawada ku jira.

