Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Somaliland oo ku tilmaantay mid aan sal iyo raad toona lahayn ka hadalka Soomaaliya

|

HARGEYSA(KAAB TV) -Somaliland ayaa ku tilmaantay hadal dhawaan ka soo yeedhay dawladda Soomaaliya oo ku saabsanaa doorashada madaxtooyada ee soo socota, waxaanay ku tilmaantay mid aan sal iyo raad toona lahayn oo ay ku doonayso inay ku wiiqdo qaranimadeeda. Jawaabtan kulul ayaa daba socotay hadaladii Fiqi ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee Somaliland, isla markaana uu ka hadlay arrimo ku saabsan midnimada Soomaaliya.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Ambassador Rooda J. Cilmi, ayaa carabka ku dhufatay inaanay Somaliya awood u lahayn arrimaha gudaha ee Somaliland, oo ay ku jirto doorashada Madaxtooyada ee loo muddeeyay inay qabsoonto 13-ka November, “Doorashooyinkaasi waxa u xilsaaran dawladda Somaliland iyo shacabkeeda oo keliya,” ayuu yidhi Cilmi. bayaan uu soo saaray Jimcihii.

Xukuumadda Somaliland ayaa si gaar ah u naqdisay diidmada Soomaaliya ee la xidhiidha xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland. Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay heshiis dhex maray Somaliland iyo Itoobiya oo Itoobiya u ogolaatay inay hesho dekedaha Somaliland, isla markaana ay ku jiraan qodobbada saldhig milateri. Fiqi ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid sharci darro ah oo lagu wiiqayo qarannimada Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, ayay dawladda Soomaaliya kaga jawaabtay hadalkaas. “Waa wax lagu qoslo in maamul ku guul darreystay inuu qabto doorasho lagu kalsoonaan karo oo hufan muddo tobanaan sano ah inuu wax ka sheego hannaanka dimuqraadiyadda ee Somaliland ee sida wanaagsan loo dhisay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Masuuliyiinta ayaa sidoo kale ku nuux nuuxsaday in doorashada Somaliland ee November dhici doonta ay u dhici doonto si xor iyo xalaal ah.

In kasta oo Somaliland aanay weli aqoonsi ka helin caalamka, haddana waxa ay u shaqaynaysay sidii dal madax-banaan tan iyo markii ay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya 1991-kii, iyada oo ilaalinaysa dawladnimadeeda, ciidankeeda iyo nidaamkeeda sharci.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News