HARGEYSA (Kaab TV) – Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday mamnuucid ku saabsan qabashada shirar qabiil ah oo lagu qabto hoteelada iyo goobaha kale ee dadweynaha, iyadoo tallaabadan qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada qaranka iyo wadajirka bulshada.
Amarradan oo lagu shaaciyey kulan sare oo ammaanka looga hadlayay, ayaa waxaa ku dhawaaqay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed.
Waxay diiradda saarayaan sidii loo xakamayn lahaa kicinta colaad, hadalada nacaybka ah, iyo wax kasta oo khatar ku ah nidaamka guud ee dalka.
Laga bilaabo maanta, waxaa si rasmi ah loo mamnuucay in hoteelada iyo goobaha dadweynaha lagu qabto shirar qabiil ah.
Wasiir Kaahin ayaa sheegay in hoteelada ku xad-gudba amarkan laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.
“Waxaan ugu baaqaynaa mulkiilayaasha hoteelada inay feejignaadaan oo ay iska ilaaliyaan qabashada shirar noocaas ah,” ayuu yiri wasiirka intii uu ka hadlayay shir jaraa’id oo ka dhacay Hargeysa.
Sidoo kale, xukuumaddu waxay ku hanjabtay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono dadka hurinaya fowdo ama ku kacaya falal wax u dhimaya ammaanka qaranka.
Dowladdu waxay si adag uga digtay in hadallo aflagaado ah ama kala qaybinaya bulshada lagu faafiyo goobaha bulshada dhexdeeda.
Warbaahinta ayaa laga codsaday inay iska ilaaliso baahinta hadallo kicinaya colaad ama dhaawacaya wadajirka bulshada iyo qaranimada Somaliland.
Tallaabooyinka amniga lagu xoojinayo waxaa si gaar ah diiradda loo saaray magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, oo dhowaanahan ay ka jireen xiisado u dhexeeya beelaha deegaanka.
Dagaal dhowaan ka dhacay magaalada Ceerigaabo ayaa sababay dhimashada ugu yaraan shan qof.
Sidoo kale, xuduudaha iyo goobaha kantaroolada ayaa la adkeyn doonaa si loo xaqiijiyo xasilloonida guud ee dalka.
Xukuumaddu waxay ugu baaqday shacabka, warbaahinta, iyo ganacsatada inay taageeraan dadaalladan, iyagoo la wada shaqeynaya si loo ilaaliyo nabadda iyo wadajirka Somaliland.