HARGEYSA (Kaab TV) – Somaliland ayaa noqotay maamulkii ugu horreeyay Geeska Afrika ee u tacsiyeeya geerida baadariga kaniisadda Katooliga ee Pope Francis oo geeridiisa la shaaciyay Isniintii.
Pope Francis oo ahaa 88 jir ayaa ku dhintay xarunta Vatikaanka ka dib muddo uu xannuunsanaayay, siday sheegtay Kaniisadda Vatikaanka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa tacsi u diray guud ahaan bulshada Vatikaanka ka dib geerida Pope Francis.
“Waan ka tiiraanyaysanahay in aan maqalnay geerida Pope Francis. Wuxuu ahaa hoggaan tusaale u ah dunida, kana go’nayd difaaca xuquuqda aadanaha iyo kobcinta wada-hadalka diimaha kala duwan, taas oo nolosha malaayiin qof si qoto dheer u taabatay,” ayuu ku yiri qoraal uu ku baahiyay bartiisa X wasiirka.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in Pope Francis oo 12 sano ahaa madaxa ugu sarreeya ee kaniisadda Vatikanka uu dadaalkiisa uu ku horumarinayay nabadda iyo isfahanka gaar ahaan ummadaha Muslimiinta ah uu noqday “dhiirigelin muhiim u ah dowladdayada oo ku howlan kor u qaadidda isdultaagga iyo is-ixtiraamka diimeed” ee gudaha Somaliland.
“Waxaanu u diraynaa tacsiyo tiiraanyo leh iyo duco qalbi ka soo go’day kaniisadda Roman Catholic-ga iyo dhammaan bulshada Katooligga ee caalamka. Hidaha iyo haggida Pope Francis ee ku saleysan adeega bini’aadantinimo iyo daacadnimadiisa aan leexleexadka lahayn waxay sii ahaan doonaan iftiin iyo hagitaan noo ah,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan.
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isaguna ka tacsiyeeyay geerida Pope Francis.
“Pope Francis wuxuu ka tagay dhaxal ka ballaaran mid ruuxi ah oo keliya: wuxuu uga tegay aadanaha raad waara oo muujinaya nin caddaalad, bini’aadannimo iyo walaaltinimo ku dhisan,” ayuu yiri Madaxweyne Geelle.