Somaliland oo wajahaysa sicir-barar iyo xaalad nololeed oo sii adkaanaysa, sida lagu sheegay daraasad cusub

|

Daraasad cusub oo ay samaysay xarunta cilmi-baarista ee Door Centre ayaa muujisay in dadka ku nool magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ay wajahaan caqabado dhaqaale oo sii kordhaya, kuwaas oo la xiriira kororka qiimaha maciishadda, shaqo la’aanta, dakhliga oo aan ku filnayn iyo adeegyada caafimaadka oo ay dad badani awoodi waayeen inay iska bixiyaan kharashkooda.

Daraasaddan oo natiijooyinkeeda la soo bandhigay xalay ayaa xog laga ururiyey qoysas ku nool magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, iyadoo aan lagu darin dadka ku nool miyiga iyo tuulooyinka. Inkasta oo sahanku aanu daboolin dhammaan bulshada, haddana xogta la soo bandhigay waxay muujinaysaa culays dhaqaale oo soo food saaray qoysas badan.

Natiijooyinka sahanka ayaa tilmaamaya in 57.2% dadka ka qaybgalay ay sheegeen in dakhligoodu aanu daboolayn kharashaadka nolosha, taas oo ay sabab u tahay sare u kaca qiimaha cuntada iyo badeecadaha kale ee aasaasiga ah.

Dhanka kale, 65% dadka la wareystay ayaa muujiyey inaysan ku qanacsanayn sida ay dowladdu uga jawaabtay dhibaatada sicir-bararka iyo kororka maciishadda.

Daraasaddu waxay sidoo kale iftiimisay in dakhliga qoysas badan aanu kordhin muddooyinkii dambe, inkasta oo qiimaha badeecadaha iyo adeegyada nolosha uu sare u kacay.

Sida xogta sahanku muujisay, 65.9% dadka ka qaybgalay ayaa sheegay in dakhligoodu hoos u dhacay ama aanu wax isbeddel ah samayn shantii sano ee la soo dhaafay.

Xaaladdan ayaa qoysaska ku khasabtay inay dib u eegaan sida ay u isticmaalaan lacagta ay helaan, iyagoo mudnaanta siinaya cuntada iyo baahiyaha ugu muhiimsan, halka adeegyo kale oo muhiim ah ay dib u dhigaan ama gebi ahaanba iska dhaafaan.

DHEERAAD:  Bulshada Muqdisho oo aragtidooda ka dhiiftay khilaafyada Soomaaliya iyo Somaliland

Shaqo la’aanta ayaa ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee ay daraasaddu tilmaantay.

89.8% dadka la wareystay ayaa sheegay in qoysaskooda uu ku jiro ugu yaraan hal qof oo da’da shaqada ah balse aan shaqo haysan. Sidoo kale, 72.5% ayaa sheegay in qoysaskooda ay ku jiraan laba qof ama ka badan oo shaqo la’aan ah.

Tirooyinkani waxay muujinayaan sida shaqo la’aantu u saameyn karto awoodda qoysaska ee daboolidda baahiyahooda maalinlaha ah, gaar ahaan xilli qiimaha maciishaddu sii kordhayo.

Mid ka mid ah qodobada walaaca leh ee daraasaddu soo bandhigtay ayaa ah saameynta dhaqaale xumadu ku yeelatay helitaanka adeegyada caafimaadka.

Sida lagu sheegay natiijooyinka sahanka, dad badan ayaa sheegay inaysan raadsan daryeel caafimaad markii ay xanuunsadeen, sababo la xiriira awood la’aan dhaqaale.

Xogta laga soo xigtay xarumaha caafimaadka ayaa muujisay in 77.8% bukaannada ay awoodi waayeen inay iska bixiyaan kharashka adeegyada caafimaadka, marka la barbar dhigo xogtii sannadkii 2025.

Dhibaatadan ayaa saameyn ku yeelatay qoysaska dakhligoodu hooseeyo, iyadoo qaar ka mid ah waalidiinta ay ku adkaatay inay carruurtooda geeyaan xarumaha caafimaadka marka ay xanuunsadaan.

Daraasaddu waxay sidoo kale tilmaantay in hoos u dhaca qiimaha lacagta Somaliland uu culays dheeraad ah saaray dadka mushaharkooda iyo dakhligoodu ku salaysan yahay lacagta maxalliga ah.

Marka awoodda wax-iibsiga lacagtu hoos u dhacdo, isla markaana qiimaha badeecadaha aasaasiga ahi kordho, qoysasku waxay awoodi waayaan inay ku iibsadaan isla lacagtii ay hore ugu dabooli jireen baahiyahooda.

Arrintan ayaa si gaar ah u saameyn karta shaqaalaha mushaharka go’an qaata, dadka ganacsiyada yaryar leh iyo qoysaska ku tiirsan dakhli kooban.

Sahanka Door Centre ayaa sidoo kale soo bandhigay heerka ay bulshada uga walaacsan tahay tallaabooyinka dowladda ee wax looga qabanayo sicir-bararka.

DHEERAAD:  Xuutiyiinta Yaman oo hanjabaad u jeediyay joogitaanka ciidanka iyo sirdoonka Israa’iil ee Soomaaliya

65% dadka la wareystay ayaa sheegay inaysan ku qanacsanayn jawaabta dowladda ee la xiriirta kororka qiimaha maciishadda.

Natiijadani waxay muujinaysaa in arrimaha dhaqaalaha iyo nolosha maalinlaha ahi ay yihiin kuwo bulshada ay si weyn u danaynayso, isla markaana ay jiraan filashooyin la xiriira tallaabooyinka wax looga qabanayo sicir-bararka, shaqo la’aanta iyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News