SO | EN

SO | EN

Somaliland oo xasuuq ku tilmaantay weerarkii Dacawalay

|

HARGEYSA (Kaab TV) – Dowladda Somaliland ayaa xasuuq ku tilmaantay weerarkii shalay ka dhacay deegaanka Dacawalay oo hoostaga degmada Xarshin ee gobolka Soomaalida Itoobiya.

Dagaal u dhexeeya maleeshiyo beeleed ayaa la sheegay inuu sii ballaartay, taasoo keentay in ciidamada Liyu Booliska ee Ismaamulka Soomaalida ay dagaalka ka qeyb qaataan shalay oo Arbaco ahayd.

Ugu yaraan 10 qof ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen dagaalka, halka dhaawacyo badan la soo warinaayo.

Ciidamada Liyu Booliska ayaa la sheegay inay qabteen odayaal nabadeyn u joogaay deegaanka oo dhanka Somaliland kasoo jeeda.

Sawirro lasoo galiyay baraha bulshada ayaa muujinaya guryo la gubay iyadoo dadkii rayidka ahaana ay isaga carareen deegaanka Dacawalay oo ay dirirtu ka dhacday.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Somaliland Cabdalle Maxamed Carab ayaa cambaaraeeyay wax uu ku tilmaamay “Xasuuqa ay degaanka Dacawaley ee Maamulka Soomalida Itoobiya ay ka geysteen Ciidamada Liyuu_Booliska, kuwaas oo xasuuq u geystey dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah, arrintaasoo ka soo horjeedda xaquuqda aadamaha iyo hanaanka Dawladnimo.”

War saxaafadeed kasoo baxay Wasiirka ayaa lagu yiri “Dhinaca kale Ciidamada Liyuu Booliska ayaa Degaanka Dacawalay ka afduubay Madax-dhaqameed ka soo jeedda Somaliland, kuwaasoo halkaa u tegey ka shaqaynta Nabadda iyo daminta Colaadda halkaa ka dhacday maalmihii u danbeeyey, taasoo ah gef iyo xadgudub cad.

Wasiirka Amniga Gudaha JSL waxaa uu si xoog leh u cambaaraynayaa falalka foosha xun ee ay Degaanka Dacawalay ka geysteen Ciidmada Liyuu Booliska ee Degaanka Maamulka Soomalida Itoobiya, kuwaasoo geystey Xasuuq baahsan, masuuliyadda ka dhalatana ay qaadi doonaan.

Madaxweynaha Maamuul Soomaalidda Itoobiya, ayaa Xukuumadda Jamhuuriyadda u caddeeyey sida uu uga xun yahay falalka foosha xun ee ka dhacay Degaanka Dacawalay.”

Somaliland waxay sheegtay inay la xidhiidhay Dawladda Federaalka Itoobiya oo xidhiidh Nabadgelyo iyo mid siyaasadeedba ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna Somaliland ku wargelisay arrinta ka dhacday Degaanka Dacawalay iyo dhibaatada ay geysteen Ciidamada Liyuu Booliska.

Xukuumadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa la filayaa in Khamiista maanta ah wada hadal ku dhex mari doono Xadka labada Dawladood si ay arrinkan uga wada hadlaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News