Hargeysa (KAAB TV) – Soomaaliland ayaa markale sheegtay in Laascaanood ay kadagaalameen Al-Shabaab iyadoona tafaasiil dheeri ah kabixisay xiliga ey soo galeen gobolka Sool.
Sidoo kale, War kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliland ayaa lagu sheegay in koox kamid dagaalayaasha Al-Shabaab ey kasoo dageen buuraha galgala ee Puntland halka qaarka kale ay yimaadeen gobolada dhexe ee Soomaaliya, kadib markii looga adkaaday dagaaladii kadhacay Goojacade.
“Kooxaha Argagixisada Ah Ee Soo Gaadhay Magaalada Laascaanood Iyo Buuhoodle Waxay Ka Soo Degeen Buuraha Silsilada Golis, Gaar Ahaana Buuraha Ku Xeeran Maamulka Goboleedka Pundland Ee Soomaaliya, Kuwaasoo Lagu MagAcaabo Galgala, Waana Meelaha Ay Ku Xoogan Yihiin Kooxaha Al-shabab Iyo Daacish.”
“Qaybta Labaad Ee Ka Tirsan Kooxaha Argagixisada Ah Ee Soo Gaadhay Laascaanood, Ayaa Ah Kuwo Ka Soo Guurey Gobolada Dhexe Ee Soomaliya, Sida Shabeelada Hoose, Shabeelada Dhexe Iyo Meelo Kale Oo Ka Tirsan Koonfurta Soomaliya, Kuwaasoo Qaarkood Lagu Soo Jebiyey Dagaalada Ka Socda Somaliya.”
“Qaybta Saddexaad Oo Ah Kuwa Ugu Badan Ayaa Ka Soo Baxay Xeryo Tababar Oo Uu Leeyahay Abdi Madoobe Oo Ah Wakiilka Kooxda Al-shabaab Ee Buuhoodle. Xeryahan Tababarka Ayaa Ku Yaalla Degaanka Horufadhi Oo Ka Tirsan Buuhoodle Iyo Degaanka Shululux, Halkaas Oo Cabdi Madoobe Ku Soo Tababaray Boqolaal Dhallinyaro Ah Oo Uu Ka Dhaadhiciyey Fekerka Xagjirninada Ah Ee Al-shabaab.”