SO | EN

SO | EN

SOMALIYA OO FAGAARE CAALAMI AH UGU HADASHAY XAALADDA GAZA.

|

DOHA(KAAB TV)Soomaaliya ayaa xaaladda ka taagan Marinka Gaza uga hadashay shirweyne caalami ah oo ka socda magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse oo ku sugan dalka Qatar ayaa khudbad uu ka jeediyey Madasha DOHA, ayaa waxa uu ka sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Falastiin.

Huruuse oo ka hadlay xaaladda Gaza ayaa waxa uu tilmaamay in lama huraan tahay in mudnaanta la siiyo daryeelka aadanaha ee arrimaha caalamiga ah, xilli Israel ay gumad ba’an ka geysatay Marinka Gaza.

Mudane Jaamac waxa uu carabka ku adkeeyay in dublamaasiyadda bini’aadantinimo ay fure u tahay kobcinta wada-hadalka iyo xaqiijinta bixinta gargaar wax ku ool ah iyada oo ay jiraan xasarado kala duwan oo caalami ah.

“Waxay noqonaysaa lama huraan ummaduhu in ay wanaaga dadka ka hor mariyaan wax kasta, hadday tahay dhibanayaasha iskahorimaadyada magaalooyinka, kuwa ay saameeyeen masiibooyinka dabiiciga ah, ama qaxootiga aan la tirin karin iyo dadka gudaha ku nool ee adduunka oo dhan,” ayuu yiri Wasiir Abshir Huruuse.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News