SO | EN

SO | EN

Soomaali dil iyo dhaawac loogu geystay dalka Uganda

|

Kampala (Kaab TV) – Kooxo burcad oo hubeysan oo u dhashay dalka Uganda ayaa magalada Kampala  ee dalkaasi Uganda waxaa ay dil iyo dhawac ugu gesteen Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku noolaa Magaalada Kampala.

Burcadda ayaa dhalinyarada ku weeraray guri ay daganaayeen oo ku yaalla magalada Kampala, waxaana weerarkaas ku geeriyooday hal ruux halka qof kalana uu ku dhaawacmay.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaaba Liibaan Maxamed, wuxuuna kamid ahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Dableyda hubeysa ayaa sidoo kale waxay dhaawac u gaysteen muwaadin Soomaaliyeed oo kale kaasi oo dhaawiciisa lagula tacaalayo isbitaalka magaalada Kampala.

Bakar Cali Nuur oo ka mid ah Soomaalida ku nool Magalada Kampala oo faah fahin kabixiyay sida weerarka u dhacay iyo qasaaraha ka dhashay ayaa sheegay in warar kala duwan kasoo baxayaan inay Burcad ahaayeen dadka weerarka geystay.

Soomaalida ku nool Magalada Kampala ayaa wajahaya cabsi kadib marka uu dhacay weerarkaan, waxaana Afhayeenka Ciidanka Booliska Uganda uu sheegay inay wadaan baaritaanko ku aadan weerarkaas.

“In bistoolad ama waxyaabo kale oo xabaddaha ah lo isticmaalayo oo dad tuugo ah oo hubeysan ku weeraraan waa dhacdo cusub oo ugub ah oo soo korodhay.” ayuu yiri Bakar Cali Nuur.

Majirto weli cid loo soo qabtay falkaan, waxaana lasoo warinaya inay weli socdaan baaritaano iyo dadaalo la xiriira sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa danbiilayaasha falkaan ku kacay.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News