Muqdisho (Kaab TV) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay Soomaali badan oo ku noleyd dalka Suudaan kuwaas oo uu saameeyey dagaalka ka socdo dalka Suudaan oo galay todobaadkii seddexaad.
Dadkan ayaa 78 kamid ah waxaa laga soo dajiyay magaalada Muqdisho halka 45-kale laga dajiay magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland.
Muwaadiniintaan oo maanta dalka dib loogu soo celiyay ayaa ku xanibnaa dalka Suudaan una badnaa arday halkaas wax kubaraneysay.
Dowladda ayaa waxay muwaadiniintan oo safar dhulka ah oo ay dowladdu fududeysay ku tagay dalka Ethiopia ee magaalada Addis Ababa, waxaana garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyay masuuliyiin ay ka mid yihiin Ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS, Wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka Waxbarashada.
Halka Garoowe ay 45 muwaadin ee kale ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan maamul-goboleedka Puntland.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Sudan ku dadaaleysay sidii dalkaasi looga soo daad-gureyn lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed, si dib loogu soo celiyo dalkooda, loogana badbaadiyo dhibaatooyinka ka jira dalkaas.
Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Suudaan Waa markii labaad ee dowladda Soomaaliyeed ay dalka ku soo celiso muwaadiniin ka soo qaxay dagaalada ka socda dalka Sudan, waxayna horay u keentay ku dhawaad 30 muwaadiniin laga soo qaaday Koofurta dalka Sudan.