SO | EN

SO | EN

Soomaaliland iyo UK oo wadahadal xasaasi ah yeeshay

|

Hargeysa (Kaab TV) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan xasaasi ah habka fogaan araga ah oo loo yaqaano Video Conference Wasiir dowlaha arrimaha hormarinta dowladda UK Andrew Mitchell.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ugu horeyn hadalka qaatay wuxuuna ka warbixiyay xaaladaha kataagan Laascaanood iyo halka ey dowladiis kamareyso iyo sidii xal waara looga gaari lahaa eyna diyaar utahy xabad joojin bilaa sharuud ah.

Kulankan ayaa imanaayo ayadoo xaalada magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool iyo Soomaaliland ey meeshii ugu xumeed mareyso haatan.

Muuse Biixi ayaa tilmaamay dadka reer Sool iyo dadka reer Soomaaliland ey heshiin doonan hadii ey beesha caalamka amarto in Puntland ciidamadeeda ey kabaxaan gudaha Laascaanood iyo dhamaan xuduudaha Soomaaliland sida lagu cadeeyay war qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliland.

Sidoo kale Muuse Biixi ayaa sheegay in Wasiir dowlaha uu lawadaagay ciidamada maamulka Puntland ee soo buux dhaafshay Laascaanood muhiimadooda ey tahy in ey jeexaan xuduud goboleedka taasina ey saameyn kuyeelan doonto waddamo kamid ah Africa.

Hasayeeshee kulan ey yeesheen madaxweynaha Soomaaliland iyo Wasiir dowlaha dowladda UK Andrew Mitchell waxaa madaxweyne Biixi kuwehlinaya Wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News