SO | EN

SO | EN

Soomaaliland oo maanta ciidamo cusub usoo xirtay Tababar

|

Hargeysa (Kaab TV) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa tababar usoo xidhay ciidamo cusub oo kamid noqonaya milatariga Soomaaliland, kuwaasi oo lafilayo in ey ku biiraan ciidamada Somaliland ee ku sugan furinta hore ee gobolka Sool.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo wasiirka wasaaradda gaashaandhigga, taliyeyaasha ciidamada, macallimiintii tababarka bixinaysay, ayaa ka qeyb galay munaasabada tababarka loogu soo xiray ciidanka cusub.

Nuux Ismaaciil Taani oo ah taliyaha ciidanka Soomaaliland isagoo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ciidanka tababarka loo soo xiray uu kamid yahay ciidan faro badan oo tababar ugu jira kulliyadaha Sheekh, Badar Wanaag, Dararwayne, iyo Goroyocowl, islamarkaana loo qaadi doono gobolka Sool.

“Inay dalkooda iyo dadkoodaba ka difaacaan gardarrada maamulka Puntland kusoo qaadeen gudaha Somaliland,” sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu yiri “Madaxweynaha Puntland wuu caddaystay maalintii dhawayd wuxuu yidhi weerar ayaan ku qaadayaa halkaa Sool, mudane madaxweyne arrimihii way joogsan waayeen wataa Puntland leedahay anaga dagaalamayna, hadaanu markii hore xaraga dagaalamaynay, maanta waa la is xiniinyo taabanayaa,” ayuu yiri Nuux Taani oo hanjabaad culus u diray maamulka Puntland.

Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo ah Wasiirka gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliland ayaa isna dhankiisa hambalyo udiray ciidanka tababarka looso xiray iyo macalimiinti tababarka siineysay ciidanka sidoo kale wuxuu sheegay in ey kusoo biireen ciidamo sharaf leh oo xuquuqaha aadanaha iyo sharafta muwaadiniintaba dhawra, cadowgana libinta si fudud uga qaata, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale muuse biixi ayaa isna dhankiisa ka hadlay munaasabada ayaa sheegay. “Waxaan aad u hambalyeynayaa dhammaan ciidamada kala duwan ee qaranka ee habeen iyo maalinba u heegan ah inay dadkoodu nabadgelyo ku seexdaan, kuna soo toosaan, hantidoodu nabadgasho, dadkeenu horumaraan,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Sidoo kale wuxuu yiri “Geesiyaasha ciidamada kala duwan ee ciidanka qaranku u xoogg weyn yahay ee dadkooda nabaddooda iyo mustaqablkooda u heeganka ah baynu hambalyeynaynaa.”

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News