SO | EN

Soomaaliland oo saldhig milateri ka siineysa Berbera Mareykanka

|

Hargeysa (KAAB TV) – Maamulka Somaliland, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in dowladda Mareykanka ka siiyaan saldhig milatari magaallo xeebeedka Berbera, si kor loogu qaado xiriirka dalkaasi kala dhaxeeya maamulkooda.

Sidoo kale, Wakiilka Somaliland u fadhiya Maraykanka Bashiir Good, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in saldhig uu Maraykanku ka samaysto Berbera, taasi oo uu sheegay in ay u wanaagsan tahay danaha maamulka Somaliland iyo dowladda Mareykanka.

“Somaliland waa u diyaar inay saldhig millatari siiso Maraykanka, haddii uu ka shaqeynayo masaalixda labada dhinac ee Somaliland iyo Maraykanku yeeshaan,” ayuu yidhi Bashiir Good.

Dhanka kale, Bashiir Good wuxuu intaas ku daray inay Somaliland ka go’an tahay inay iyadoo dal madaxbannaan ah cilaaqaad iyo iskaashi la yeeshaan Maraykanka iyo dalalka kale ee adduunkaba.

Sikastaba, Maamulka Somaliland ayaa dhabbo kasta u maraya sidii ay u heli lahaayeen aqoonsi in ay yihiin dal ka madaxbannaan Soomaaliya inteeda kale, mana jiro ilaa hadda cid aqoonsatay maamulkaasi.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News