Hargeysa (KAAB TV) – Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta yeesheen golaha Wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa looga hadlay maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya.
Sidoo kale, Kulankan ayaa laga soo saaray go’aamo adag oo lagu cambaaraynayo, lagagana digayo cawaaqib-xumada ka dhalan karta fara-gelinta qaawan iyo hurinta colaadaha qabiilk ah ay sheegeen in dowladda Soomaaliya kawado deegaanno dhul ahaan, soohdin ahaan iyo taariikhba ka tirsan Somaliland, sida Bariga Gobollada Sool iyo Sanaag.

