SO | EN

SO | EN

Soomaaliya 5 sano ka hor soo ma aysan bixin 4 Dekedood?{AKhriso}

|

Muqdisho(kaab tv)  16-kii June, 2018 waxaa magaalada Muqdisho booqasho ku yimid wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia ka dib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynihii xillagaas ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Soo dhoweyn ka dib labada dhinac ayaa Garoonka Muqdisho waxaa uga billowday shir muhiim ahaa oo ay ka soo baxeen illaa 16 qodob oo lagu heshiiyay, qodobada badankoodu waxa ay  ahaayeen kuwo ku qotoma mahadnaq iyo sii xoojinta xiriirka labada dal, waxaase indhaha warbaahinta soo jiitay qodobka 7aad oo u qornaa sidan hoose;

“Si loo soo jiito loona ilaaliyo maalgashiga shisheeye ee labada dal iyo gobolka Geeska Afrika, madaxdu waxay ku heshiiyeen in si wadajir ah loo maalgashado afar dekedood oo muhiim ah oo u dhexeeya labada dal, iyo dhismaha isku xirka waddooyinka halbowlayaasha muhiimka ah ee isku xiri doona Soomaaliya iyo dhulweynaha Itoobiya. Hoggaamiyayaasha ayaa isku raacay in la sameeyo koox farsamo oo isku dhaf ah oo la magacaabay oo si degdeg ah u guda gali doonta hawsha muhiimka ah.”

Isla qodobka 8aad ee heshiiska ayaa waxa uu sheegayay in si buuxda looga faa’iidaysto suuqa weyn oo leh fursado badan iyo dhaqaale baaxad leh. Ganacsiga ayey madaxdu waxay isla garteen in la dhiirigaliyo maal-gashiga gaar ahaan iyada oo loo marayo ganacsiga gaarka ah ee labada waddan, si loo abuuro shaqooyin loona fududeeyo is-dhexgalka dhaqaale ee ka dhex jira labada waddan.

Shirka waxaa joogay wasiirro ka kala socday labada dal iyo xitaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee xilligaas Xassan Cali Kheyrre.

Shirka ka dib waxaa hadalheynta ugu weyn dhaliyay habka ay dowladda Soomaaliya ku bixin doonto Dekedaha lagu heshiiyay ee dhaca badaha Indian Ocean iyo Red-see, sidoo kale dadkii fasiraadda tooska ah ka bixiyay heshiiska ayaa ku naqdiyay in Ethiopia aysan heysan wax ay nooga bedelato 4-ta dekedood, loomase falanqeyn si ku filan.

Dhanka kale 3 maalin kadib booqashadii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ee Muqdisho June 19, 2018-kii ayaa madaxweyne oo wareysi siinayay warbaahinta dowladda waxa uu sheegay in ay Ethiopia ka wadahadleen sidii xiriir ganacsi loo wada samaysan lahaa, waxa uu madaxweynuhu sheegay in uu Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ka arkay waji fiican oo uu aaminsanyahay in Soomaaliya hadda tahay dal soo kabanaya, marka waxaan dhaqaaalahooda ku kordhin karnaa dekedo, ayuu yiri madaxweyne Farmaajo, waxa uuna sii raaciyay kaliya 4 dekedood maahee waxaan jeclaan lahaa in ay ka bataan oo aan siinno dekedo intaa ka badan.

Si la mid ah tii hore hadalka madaxweynuhu marnaba ma aanu dhalin hadalheyn dadweyne, sidaa darteed, waxaase dad badan oo aan xasaasiyad ka muujinu ku doodeen in ay ahayd aragti uun isla markaana ay u dhexeysay dowladda Soomaaliya iyo tan Itoobiya. Isla sidaas ayuuna Madaxweyne Farmaajo sheegay oo waxa uu yiri wixii lagu heshiiyo Baarlamaanka ayaa loo geyn doonaa, iyagaa ansixin doona ama diidi doona.

Shan sano ka dib Abiy Axmed ayaa heshiis is-afgarad ah la gaaray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaas oo sheegay in Badda Cas laga kireyn doono haddii lagu hashiiyo dowladda Ethiopia, si ay uga dhisto dekad ay isticmaalayso 50 sano.

Is-afgaradkaan ayaa durba waxaa diiday dowladda Soomaaliya, iyada oo Xildhibaannada labada Aqal iyo Xukuumadda ay soo kala saareen laba qaraar kaas oo daaran diidmo ku aadan falka uu ku kacay madaxweynaha Somaliland Muuse Bixi, oo bulshada badankeed ay ku tilmaameen in uu ku xadgudbay midnimada ummadda Soomaaliyeed, si la mid ah waxa eed dusha lagaga rogay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia oo isna qudhiisa lagu sifeeyey in uu ku xadgudbay qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News