SO | EN

SO | EN

Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Afrika oo heshiis maaliyadeed ku kala saxiixday magaalada Nairobi{sawirro}

|

Nairob (KAAB TV) – Munaasabad kooban ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo uu ka socdo shirka sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika. Munaasabadda ayaa lagu saxiixay heshiis maaliyadeed oo muhiim ah oo u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AfDB, tallaabadan oo ku soo beegantay xilli xasaasi ah oo caalamka uu la tacaalayo saameynta isbedelka cimilada.

Heshiiskan ayaa waxaa si wada jir ah u saxiixay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo Madaxweyne ku xigeenka AfDB Dr. Beth Dunford. Wadashaqeyntan ayaa lagu wadaa in ay wax badan ka tari doonto Soomaaliya, oo ah waddan ay si weyn u saameeyeen isbeddelka cimilada, una baahan taageero dhaqaale.

Tani waxay horumar weyn u tahay dhaqaalaha Soomaaliya.

Saxiixa ka dib, waxa hadal kooban ka jeediyay Md. Biixi Iimaan Cige, isaga oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay taageerada uu Baanka u fidiyay, isla markaana uu tilmaamay faa’iidada uu iskaashigani u leeyahay Soomaaliya. Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga AfDB, gaar ahaan marka la eego dib-u-habaynta maaliyadeed ee lagu guulaystay iyo hannaanka socda ee xoraynta dhaqaalaha dalka.

Taageerada AfDB ee Soomaaliya ayaa si isdaba joog ah u kordheysay tan iyo markii si rasmi ah loogu guuleystay isbedellada maaliyadeed ee dalka iyo furitaanka dhaqaalihiisa. Heshiiskan maaliyadeed waxa uu caddayn u yahay sida ay AfDB uga go’an tahay in ay Soomaaliya ka taageerto socdaalkeeda ku aaddan soo kabashada dhaqaalaha iyo dib u soo kabashada.

Horumarkan ayaa ah horumar la taaban karo oo ay Soomaaliya ku tallaabsatay, iyadoo soo ifbaxday rajo laga qabo dhibaatada cimilada adduunka. Waxay hoosta ka xariiqday muhiimadda iskaashiga caalamiga ah iyo doorka hay’adaha maaliyadeed ay ku taageerayaan waddammada dadaalkooda ku aaddan dhisidda mustaqbal waara oo adkaysi leh.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News