SO | EN

SO | EN

Soomaaliya iyo Ethiopia oo heshiis cusub ku saxiixday Addis Ababa

|

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa maanta heshiiska adeega Hawada (ASA) ee labada dal ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa.

Heshiiskan ay labada kala saxiixdeen ayaa waxa lagu sameeyay dib u habeyn, kaasi oo la dhaqan-geliyay 3-dii December 1988-kii.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal iyo dhigeeda dalka Itoobiya, Marwo Dagmawit Moges ayaa goobjoog u ahaa munaasabad ka dhacday Addis Ababa ee lagu saxiixay heshiiskaas.

Heshiiskan ayaa la sheegay inuu la jaan-qaadayo waqtigan la joogo, iyadoo lagu sameeyay isbeddelo lagu horumarinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

“Heshiiskan 1988 ayaa horay loo saxiixay , maaddama 35 sanno ay ka soo wareegatay waxaan u baahanahay in aan helno heshiis casri ah oo la jaanqadi kara qarnigaan la joogo,” ayey tiri Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Xil. Fardowsa.

Waxay hadalkeeda sii raacisay “Heshiiskan wuxuu horumarinayaa iskaashigeena iyo khibrad wadaaga dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.”

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa leh xiriir wanaagsan, ayada oo labada dhinac ay hore iskula qaateen sidii looga wada-shaqayn lahaa arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo danaha labada dawladood.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News