Jabuuti (KAAB TV) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo kusimaha wasiirka Gaashaandhigga jabuuti ayaa maanta dalka jabuuti ku kala saxiixday heshiis, lagu kordhinaayo ciidamada Jabuuti ka jooga gudaha Soomaaliya.
Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya, ayaa maanta waxaan heshiis lagu kala saxiixday magaalada Jabuuti Heshiiska ayaana la xiriira Xaaladda Ciidamada Jabuuti, kaas oo saldhig u ah kordhinta ciidamada Jabuuti ee ku sugan gudaha Soomaaliya.
Heshiiskan oo ay kala saxiixdeen Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti, Cali Xasan Bahdoon, waxaana goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin sar-sare oo ka kala socday labada dowladood.
Munaasabadda saxiixa ayaa ka qabsoontay magaalada Jabuuti tallaabadan ayaana u muuqata mid lagu xoojinaayo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya.

