Soomaaliya iyo Kenya oo wada galay heshiis ganacsi oo ku saabsan ka ganacsiga Qaadka

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Xoghayaha beeraha iyo xannaanada xoolaha dowladda Kenya Mithika Linturi ayaa sheegay  in Kenya ay heshiis dhoofinta qaadka ah la galeyso Soomaaliya 8da bisha soo socota si loo xaqiijiyo faa’iido dhaqaale, loona abuuro hanaan sharci oo ganacsiga qaadku ku shaqeeyo.

Sidoo kale, Xoghayahe Mr Linturi waxa uu intaas kudaray in qaadku uu laf-dhabar u yahay dhaqaalaha degmada Meru, kaasoo waxtar u leh nolosha dad badan oo degmadaas ku nool.

Mr Linturi ayaa mar uu dadkiisa lahadlaayay waxa uu u balanqaaday in Xukuumadiisa ay diyaar utahay in ay ilaaliso danohooda Qaran.

Dhanka kale, Sannadihii tagey ganacsiga qaadka Soomaaliya iyo Kenya udhexeeyo ayaa ahaa mid uu  hareeyey khilaaf horena uma aysan jirin heshiisyo qaadka la xiriira oo ay labada dhinac wada galeen.

Toddobadyadii lasoo dhaafay waxaa hakad kujiray qaadka imaan jiray Muqdisho kaddib markii uu khilaaf uu soo kala dhexgalay ganacsatada Kenya iyo Kuwa Soomaalida ah, walow uu hatan dib ubilowday imaanshaha qaadka.

Dowladda Kenyaa ayaa waxaa ay raadin ugu jirtay sidii ay uheli leheed suuq ay isku haleyn karto oo ay udhoofiso qaadkeeda, iyadoo Soomaaliya uu dhowr jeer imaanshaha qaadka uu hakad kagala,y sababo qaarkood laxiriira siyaasado markaas taagnaa salka ku hayey, halka suuqii kale ee loo dhoofin jiray qaadka Kenya oo ah dalka Ingiriiska isna gabi ahaanba laga mamnuucay bishii Juun 2014. Soomaaliya weli kama aysan hadlin heshiiskaas.

Mid kamid dadka ka ganacsada Qaadka oo lagu magacaabo Cabdiwaaxid Barre Macalin ayaa sheegay in ay dhib kuqabaan wax uu ugu yeeray “Magafayaal Qaadka” oo marba marka kasii dambeyso lacag dheeraad iskaga soo rogaayo dadka Qaadka udhoofiya Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News