SO | EN

SO | EN

Soomaaliya oo raadinaysa drones Iran soo saarto ee kamikaze

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Ilo dhanka sirdoonka Soomaaliya ayaa u sheegay Kaab TV in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay raadinayso sidii ay ku heli lahayd diyaaradaha kaligood is-wada ee drones nooca loo yaqaano Kamikaze oo ay Iran soo saarto.

Soomaaliya ayaa wajahaysa duulaan adag oo kasoo wajahaya kooxda Al-Shabaab oo ku xiran ururka al-Qaacida ee argagixisada ah.

Agaasimaha Sirdoonka Soomaaliya, Mahad Maxamed Salaad, oo ah xubin ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa la sheegay in dhowaan uu safar qarsoodi ah ku tagay dalalka Algeria iyo Azerbaijan.

Ilo sirdoon ayaa xaqiijiyay in Mahad Salaad uu waday codsi ka yimid Soomaaliya, kaas oo ay Dowladda Soomaaliya ku dalbanayso in laga caawiyo sidii ay ku heli lahayd diyaaradaha droneska ee  Kamikaze.

Xogta ayaa intaa ku daraysa in cadadka uu Mahad Salaad codsaday ay tahay 25,000 xabo oo Kamikaze ah.

Dagaalka Al-Shabaab

Kooxda Al-Shabaab, oo dagaal labaatan sano ku dhow kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidanka Midowga Afrika, ayaa si xawli ah ku socota iyada oo isku fidisay dhammaanba magaalooyinka ku hareereysan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Waxaa jirta cabsi weyn oo laga qabo in kooxda Al-Shabaab ay qabsan karto Muqdisho.

Dhanka kale, waxaa dhowaan guuldareystay wada hadal ay dowladda Xasan Sheekh Maxamuud kula jirtay kooxda argagixisada, kaas oo ay dhex dhexaadinaysay Dowladda Qatar.

Soomaaliya ayaa raadineysa droneska Iran ee Kamikaze.
Soomaaliya ayaa raadineysa droneska Iran ee Kamikaze.

Waxaa wada hadalka qeyb ka ahaa odayaal iyo ganacsato xiriir dhow la leh kooxda mintidka ah.

Halista ka iman karta kamikaze

Al-Shabaab laftooda ayaa si weyn u baadi-goobaya inay helaan diyaaradaha droneska ee weerarada is-qarxinta qaadi kara.  Waxay kooxdu wada hadallo kula jirtay Xuutiyiinta Yemen oo ay ka dalbadeen in la siiyo drones.

Xuutiyiinta Yemen ayaa taageero ka hela Iran.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sannado badan dhexgal ku wadday hay’adaha dowladda Soomaaliya, iyadoo musuqmaasuqa uu xadka ka baxay. Al-Shabaab waxay si joogto ah u helaan qalabka ciidan iyo xogta ay u baahan yihiin taasoo u fududeyn karta inay si fudud ku heleen drones-ka kamikaze haddii ay Soomaaliya keensato.

Al-Shabaab waxay kaloo weeraro joogto ku qaadaan xeryaha ciidamada oo ay hub, rasaas, gaadiid iyo agab kale ku qabsadaan, waxaana suuragal ah in haddii drones casri ah oo is qarxin kara la keeno Muqdisho ay u gacangali karaan mintidiinta.

Iran oo soo saarta diyaaradaha drones ee Kamikaze ayaa adduunyada kaga jirta go’doon cunaqabateyno saaran darteed. Waxaana dalalka reer Galbeedka ay u arkaan xukuumadda Tehran mid taageerta argagixisada caalamiga ah.

Algeria oo ah waddan ka tirsan Jaamacadda Carabta ayaa la rumeysan yahay inay xiriir wanaagsan la leedahay xukuumadda Tehran.

Soomaaliya ayaa sida iluhu sheegayaan dooneysa in laga caawiyo lacagta lagu soo iibinaayo droneska Kamikaze iyo soo daabulidda droneska.

Bishii July 2024 ay wafdi uu hoggaaminayey Ra'isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre u dirtay dalka Iraq.
Bishii July 2024 ay wafdi uu hoggaaminayey Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre u dirtay dalka Iraq.

Kamikaze waa nooc drones ah oo loo adeegsan jaro is qarxinta goobaha dagaalka.

Ruushka ayaa horey ugu adeegsaday Kamikaze (Shahed‑136 iyo Shahed‑131) dagaalka Ukraine, waxaana la rumeysan yahay in Iran ay Ruushka siisay Kamikaze kuwaas oo ay xukuumadda Vladamir Putin u adeegsatay duullaanka Ukraine.

Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya ee NISA rasmi ahaan ugama hadlin dalabkan ay ku dooneyso drones-ka Iran ee Kamikaze.

Muqdisho lafteeda ayaa si tartiib ah u soo celineysay xiriirka Iran, iyadoo dowladda Soomaaliya bishii July 2024 ay wafdi uu hoggaaminayey Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre u dirtay dalka Iraq halkaas oo la rumeysan yahay inay kulamo kula soo yeesheen xubno ay ku jiraan sirdoonka Iran oo xiriir la leh kooxda Xuutiyiinta ee Yemen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News