MUQDISHO (KAAB TV) – Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisu aysan dagaalka ay kula jiraan kooxda argagixisada ee Al-Shabaab aanan xal lagu gaari doonin.
Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in haddii kooxda Al-Shabaab ay dagaalka joojiyaan in dowladdu ay diyaar u tahay inay soo dhoweyso, isagoo ku faanay in qaar ka mid ah xubnihii kooxda Al-Shabaab ee dhanka dowladda yimid “la sharfay” sida uu yiri.
Wuxuu sheegay in xalka ugu dambeeya uu noqon doono “wada hadal” wuxuuna ugu baaqay Al-Shabaab wada hadal oo dowladda dhankeedu ay ogoshahay.
Hadalkan ayaa noqonaya isbedel ku yimid siyaasaddii dowladda Xasan Sheekh Maxamuud ee ku wajahnaa kooxda Al-Shabaab.
Dowladda ayaa sannadkii 2022 ku dhawaaqday dagaal dalka looga sifeynayo kooxda Al-Shabaab, waxaana dhowr jeer madaxweyne Xasan Sheekh uu shaaca ka qaaday in dhul yo cirba lagala dagaalamayo Al-Shabaab.
Dowladdu waxay marar badan caddeysay inaysan diyaar u ahayn wax wada hadal ah oo ay la gasho kooxda Al-Shabaab oo caalamka uga suntan argagixiso.
Al-Shabaab laftooda ayaa hore u diiday inay la hadlaan dowladda Soomaaliya.
Ma cadda sababta kalliftay in uu isbedelo mowqifka dowladda ee ku wajahan Al-Shabaab