SO | EN

SO | EN

Soomaaliya oo si adag u cambaareysay duqeynta Iiraan ee Dooxa

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkii gantaallada ahaa ee xalay ay Iiraan ku qaaday saldhigga milatari ee Mareykanku ku leeyahay dalka Qadar.

Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu ahaa “fal gardarro ah oo arxan darro leh,” iyadoo dowladda Soomaaliya ay muujisay walaac xooggan oo ay ka qabto xiisadda sii kacaysa ee gobolka.

Iiraan ayaa habeenimadii Isniinta toogtay tiro gantaallo ah—oo lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 6 illaa 19—kuwaas oo ay ku sheegtay in ay yihiin aargudasho ka dhan ah duqeymo uu Mareykanku ku beegsaday xarumo nukliyeer ah oo Iiraan leedahay.

Weerarkaasi wuxuu si gaar ah u beegsaday saldhigga Al Cudeyd ee ku yaalla magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar.

Sida ay sheegeen masuuliyiinta Qadr, nidaamyada difaaca cirka ee dalkaasi ayaa ku guuleystay inay qabtaan inta badan gantaalladii la riday, iyadoo hal gantaal oo keli ah uu ku dhacay meel aan muhiim ahayn oo saldhigga ka tirsan.

Ma jirto cid ku dhimatay ama dhaawacantay weerarkaasi, sidoo kale waxyeello muuqata lama soo sheegin.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay taageeradeeda buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka Qadar, iyadoo ku tilmaantay “dal walaalo ah.”

Bayaanka ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimada ay leedahay ilaalinta sharciga caalamiga ah, gaar ahaan qodobada la xiriira badbaadinta shacabka rayidka ah iyo xaqiijinta amniga gobolka.

Qadar waxay si weyn u taageertay Soomaaliya, iyadoo xiriir dhow la leh siyaasiin badan oo Soomaaliyeed.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u cambaareyneysaa kuna ganaf-dheereyneysaa falka gardarrada ah ee ay Iiraan ku qaaday dalka walaalaha ah ee Qatar,” ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo la xusay baahida loo qabo in la ilaaliyo xeerarka caalamiga ah iyo xasilloonida gobolka Khaliijka.

Soomaaliya waxay sidoo kale muujisay taageero buuxda oo ku aaddan xaqa Qadar ay u leedahay in ay qaaddo tallaabo kasta oo lagama maarmaan u ah sugidda ammaankeeda iyo ilaalinta nolosha shacabka iyo khayraadkeeda.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, taasoo horseeday tallaabooyin is-daba joog ah iyo hanjabaado isa soo taraya oo ay is dhaafsanayaan labada dhinac.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News