KISMAAYO (Baraarug) – Soomaaliya, qabiilku waxa uu saameyn xooggan ku leeyahay shaqo raadinta. Sidoo kale, waa caqabad weyn oo dhalinyarada Soomaaliyeed ka hor istaagta horumar iyo helitaanka fursado shaqo.
Dhalinyarada marka ay shaqo raadinayaan, waxaa lagu xujeeyaa in ay helaan taageerada nabadoon, wasiir, ama xildhibaan ku matala qabiilkooda dowladda.
Tani waxay adkeysay in qofku uusan shaqo ku heli karin xirfaddiisa iyo aqoontiisa, sida uu sheegay Ahmed Ibrahim Rooki oo ku sugan Kismaayo.