MUQDISHO (KAAB TV) – Intii ay ku guda jirtay booqashadeedii ugu dambeysay ee rasmiga ah ee Soomaaliya, Isha Dyfan, oo ah khabiir madax-banaan oo ku takhasustay xuquuqul insaanka oo ay magacawday Golaha Xuquuqul Insaanka May 2020, ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya in ay qaaddo tallaabooyin adag oo ka dhan ah mas’uuliyiinta dowlad goboleedyada ee ku xad-gudba xuquuqda aadanaha. Dyfan waxa ay carabka ku dhufatay baahida loo qabo in dacwad adag lagu soo oogo si loo xaqiijiyo isla xisaabtanka iyo cadaalada dhibanayaasha, gaar ahaan kiisaska xadgudubyada galmada iyo jinsiga ku salaysan.
Dr. Waxay ku boorisay dowladda inay xoojiso tallaabooyinka ilaalinta rayidka ee hoos imaanaya shuruucda caalamiga ah ee bani’aadamnimada iyo xuquuqda aadanaha.
Khabiirka ayaa iftiimiyay sida degdega ah ee wax looga qabanayo eedaha kufsiga iyo dilalka la xidhiidha. Waxa ay ku doodday in si degdeg ah loo sameeyo baaritaanno iyo dacwado lagu soo oogo si loo ogaado dambiilayaashana loo horkeeno cadaaladda. Dyfan waxa kale oo uu ku baaqay in la wanaajiyo awoodaha baadhiseed iyo jawi ammaan ah oo dhibanayaasha ay ku soo wargeliyaan dambiyada iyaga oo aan ka baqayn aargoosi ama ceebayn.
Dyfan waxa uu walaac ka muujiyay caburinta lagu hayo bulshada rayidka ah ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan hagardaamo iyo xariga xaqdarada ah ee saxafiyiinta, taasoo keentay is faafreeb baahsan. Waxay carrabka ku adkeysay in goob bulsho oo ammaan ah oo loo dhan yahay ay muhiim u tahay dowlad wanaagga iyo sharciga.
Codsigeeda beesha caalamka, Dyfan waxay ku nuuxnuuxsatay baahida loo qabo in la sii wado taageerada lagu xoojinayo hay’adaha federaalka iyo kuwa dawlad-goboleedka ee Soomaaliya. Waxay tilmaantay muhiimadda gargaarka caalamiga ah uu u leeyahay dhisidda adkeysiga mustaqbalka fog ee ka dhanka ah caqabadaha bini’aadantinimo iyo cimilada ee Soomaaliya ee joogtada ah.
Natiijooyinka Dyfan iyo talooyinka booqashadeeda waxaa lagu soo bandhigi doonaa warbixin dhameystiran oo loo jeedinayo Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Guud.