NAIROBI (Kaab TV) — Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa saxiixay amar lagu kordhinayo xaaladda degdegga qaran ee Mareykanka uu ku soo rogay Soomaaliya muddo hal sano ah oo dheeri ah, isaga oo ku sababeeyay weli jiritaanka khataraha amni iyo xasillooni darrada dalka.
Xaaladdan degdegga ah ayaa markii ugu horreysay lagu dhawaaqay 12-kii Abriil 2010, iyadoo lagu ansixiyay amar fulineed (Executive Order 13536), kadib markii ay sii xumaanaysay xaaladda amni ee Soomaaliya, oo ay ka mid ahaayeen rabshado joogto ah, burcad-badeednimo ka dhacaysay xeebaha, iyo jebinta cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay.
Tallaabooyin dheeraad ah ayaa la hirgeliyay sanadkii 2012 iyadoo loo marayo amar kale (Executive Order 13620), kaas oo diiradda saaray arrimo muhiim ah sida dhoofinta dhuxusha—oo loo arko il dhaqaale oo weyn oo ay ku tiirsan tahay kooxda Al-Shabaab—ku takri-falka hantida dadweynaha ee Soomaaliya, iyo rabshadaha ka dhanka ah shacabka rayidka ah.
Kordhintii ugu dambeysay ee la saxiixay 8-da Abriil, Madaxweyne Trump ayaa sheegay in xaaladda Soomaaliya ay weli tahay “khatar aan caadi ahayn oo weyn” oo ku wajahan amniga qaranka iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka.
Go’aankan oo lagu soo saaray sharciga xaaladaha degdegga ah ee Mareykanka (National Emergencies Act) ayaa sii haynaya cunaqabataynta iyo tallaabooyinka la xiriira ilaa ugu yaraan 12-ka Abriil 2027.

