Machadka Arrimaha Dibadda Itoobiya ee loo soo gaabiyo IFA ayaa dhowaan daabacay warbixin ku saabsan xaaladda amniga Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab oo deegaano badan isku sii fidineysa, isla markaana maamusha degaano badan.
Warbixinta oo cinwaankeedu ahaa “Beyond the Map: Why Al-Shabaab’s Shadow Administration Redefines Ethiopia’s Strategic Stakes” waxay ku doodaysaa in caqabadda ugu weyn ee Al-Shabaab aysan ahayn oo keliya awooddeeda ciidan, balse ay tahay awoodda ay u leedahay inay ka shaqeyso sidii maamul kale oo hoos socda (shadow government) oo ka jira qaybo ka mid ah Soomaaliya.
Qoraagu wuxuu sheegayaa in dagaalka aan lagu cabbiri karin oo keliya dhul ay kooxdu qabsatay ama ay lumisay, balse ay muhiim tahay in la fahmo cidda dhab ahaan maamusha nolosha maalinlaha ah ee shacabka, sida canshuuraha, amniga, ganacsiga, iyo xalinta khilaafaadka.
Al-Shabaab waxay u shaqaysaa sida “dowlad hoos timaadda”
Warbixintu waxay sheegaysaa in Al-Shabaab aysan ahayn oo keliya koox hubaysan, balse ay leedahay hannaan maamul oo ay ku:
- ururiso canshuuraha,
- xakameyso dhaqdhaqaaqa dadka iyo badeecadaha,
- xaliso khilaafaadka,
- ururiso sirdoon,
- isla markaana ku soo rogto xeerar deegaannada ay dowladda Soomaaliya awooddeedu ku yar tahay.
Xakamaynta dhulka keliya ma muujiso awoodda dhabta ah
Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xitaa meelaha ay dowladda Soomaaliya si rasmi ah uga taliso, Al-Shabaab ay weli saameyn ku yeelan karto:
- canshuur ururinta,
- maxkamadaha,
- maamulka deegaanka,
- iyo xiriirka ay la leedahay bulshada.
Sidoo kale, luminta magaalo ama deegaan kama dhigna in kooxda ay lumisay shabakadaha maamul iyo dhaqaale ee ay ku shaqeyso.
Maamul la saadaalin karo ayaa xoojiya kooxda
Warbixintu waxay ku doodayaa in ganacsatada qaar ay mararka qaarkood door bidaan nidaamka Al-Shabaab ee canshuuraha iyo isbaarooyinka sababtoo ah wuxuu leeyahay nidaam la saadaalin karo marka loo eego meelaha ay ka jiraan musuqmaasuq ama nidaamyo isbedbeddela.
Nidaamkan wuxuu kooxda u abuuraa:
- dakhli joogto ah,
- xog sirdoon,
- iyo awood ay ku sii waddo dagaalka.
Maxkamadaha ayaa laf-dhabar u ah saameynta Al-Shabaab
Warbixintu waxay sheegaysaa in qaar ka mid ah bulshada iyo ganacsatada ay u tagaan maxkamadaha Al-Shabaab si ay u xalliyaan khilaafaadka, maadaama ay mararka qaar ka dhakhso badan yihiin hay’adaha dowladda.
Si kastaba ha ahaatee, warbixintu waxay caddeyneysaa in tani aysan ka dhignayn in kooxda haysato sharciyad, maadaama maxkamadahaasi ay ku shaqeeyaan:
- cabsi gelin,
- qasab,
- iyo ciqaabo adag.
Gunaanad
Warbixintu waxay ku soo gabagabaynaysaa in awoodda Al-Shabaab aysan ku koobnayn tirada dagaalyahannada ama dhulka ay maamusho, balse ay ku jirto awoodda ay u leedahay inay dhisto nidaam maamul oo beddel u noqda dowladnimada meelaha ay dowladda Soomaaliya ka liidato.

