SO | EN

SO | EN

Spain oo la wareegtay howlgalka Midowga Yurub ee laga wado xeebaha Soomaaliya

|

Muqdisho (KAAB TV) -Midowga Yurub ayaa shalay oo Sabti aheyd shaaca ka qaaday in Spain ay la wareegtay hogaanka howlgalka ciidamada badda ee “Atalanta” ee lagula dagaalamayo burcad badeeda Soomaalida.

Howlgalkaan loogu magac daray Atalanta waxa uu qeyb ka yahay dadaalada socda ee lagu xaqiijinayo nabad galyada xeebaha Soomaaliya oo goob istiraaji ah kaga yaala geeska Africa.

Hawlgalka Atalanta ayaa bayaan uu soo saaray ku faahfaahiyey in Admiral Isbaanish ah oo lagu magacaabo Francisco Javier Vázquez Sanz uu la wareegay howlgalkaan waxaana uu bedelayaa taliyihii hawlgalkaan Admiral Davide Da Pozzo oo Talyaani ah.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa ka dhacday gudaha markabka Talyaaniga uu leeyahay oo lagu magacaabo “Rizzo” kaa oo kusugnaa dekedda weyn ee dalk Jabuuti.

Hawlgalka Atalanta ayaa la billaabay 2008-dii si maraakiibta ganacsiga iyo kuwa Barnaamijka Cunnada Adduunka looga ilaaliyo weerarrada burcad-badeedda ee Gacanka Cadmeed iyo xeebaha Soomaaliya, oo ah goob muhiim u ah ganacsiga baddaha caalamka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News