LAASCAANOOD (KAAB TV) – Golaha hoggaaminta SSC-Khaatumo ayaa maanta doorasho ka dhacday magaalada Laascaanood ku doortay hoggaan cusub oo hoggaamin doona talada Sool, Sanaag iyo Ceyn muddo labo sano ee soo socota.
Xubnaha guddiga oo ka kooban 45 oo dhowaan ay doorteen odayaasha dhaqanka ee SSC ayaa doortay xubnaha cusub ee hoggaaminta SSC-Khaatumo.
Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa loo doortay guddoomiyaha guud ee golaha maamulka SSC-Khaatumo, halka ku xigeenkiisa loo doortay Maxamed Cabdi Ismaaciil (Shiine).
Firdhiye ayaa heley 30 cod.
Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa dhashay 1972, waana ganacsade kasoo jeeda deegaanka Taleex ee gobolka Sool.
Cabdiqaadir Firdhiye ayaa sheegay in golaha uu hoggaaminayo uu sii wadi doono dagaalka ay kula jiraan maamulka Somaliland ee ka socda Laascaanood, qorshuhuna yahay in guud ahaan gobolka Sool ay ka saaraan ciidamada Somaliland.
SSC-khaatumo oo ku bilaabatay hab jabhad ah ayaa hadda isu bedeshay maamul leh hannaan hoggaamineed oo ka kooban gole maamul iyo siyaasad.
Guddiga 45 ah ee dhammaadkii bishii hore la magacaabay ayaa horey ugu dhawaaqay in qorshahoodu yahay sidii ay u dhisi lahaayeen maamul ka tirsan nidaamka federaalka ee Soomaaliya.