SO | EN

SO | EN

SSC-Khaatumo Oo Somaliland Uga Digtay Colaad Cusub Oo Ay Hurinayso.

|

Talyaaniga (KAAB TV) – Hogaamiyaha Maamulka SSC, Khaatumo C/qaadir Axmed Aw Cali Firdhiye, ayaa uga digay Gobolada Waqooyi inay qorsheynayaan inay abuuraan colaado hor leh, iyagoo ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta.

Firdhiye oo ku sugan dalka Talyaaniga ayaa warbixin faah faahsan ka siiyey Jaaliyada Khaatumo ee SSC ee ku nool magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

“Imika Biixi waxa uu qorshaynayaa colaado cusub, waxaana Hargeysa halku-dhigiisu ahaa “Muuse ciidamada xoraynta ayaa la sheegay in uu abaabulayo, waxaanu uga digaynaa colaado cusub oo cawaaqib xumo keeni doonta,” ayuu yidhi Firdhiye.

Firdhiye ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii deegaanada SSC Khaatumo ay nabad iyo xasilooni u noqon lahaayeen, isla markaana meesha looga saari lahaa raadadkii ay reebeen colaadaha, isagoo caddeeyay in qaar ka mid ah askarta Gobollada Waqooyi ee ay gacanta ku hayaan ay wajihi doonaan cadaalad, wuxuuna dhawaan sheegay in uu u gudbiyay. dacwadda madaxda Gobolka Waqooyi ee loo gudbiyay maxkamadda dembiyada caalamiga ah.

 

C/qaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye, Hogaamiyaha SSC-Khaatumo, ayaa taariikhda galay, ka dib markii uu ka qayb galay shirkii dhawaan ay isugu yimaadeen golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka. Munaasabadan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho oo lasoo gaba-gabeeyay Jimcihii ayaa ahayd mid si weyn looga dareemayay isku dhafka iyo wada xaajoodka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada Soomaaliya.

Firdhiye oo khudbad ka jeediyay golaha ayaa ku dheeraaday xaalada guud ee deegaanada SSC-Khaatumo iyo u ololaynta xuquuqda dastuuriga ah ee maamulkiisa uu ku leeyahay dowladda Federaalka Soomaaliya. Wuxuu ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay midnimada iyo wada-shaqeynta dhammaan dhinacyada ay khuseyso si loo horumariyo danaha SSC-Khaatumo loogana qayb-qaato midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News