LAASCAANOOD (KAAB TV) – Maamulka SSC-Khaatumo ayaa caawa soo saaray war saxaafadeed ay ku dhaliilayaan Madasha Wada-tashiga ee Muqdisho ka socota taasoo ay ka maqan yihiin Puntland iyo SSC-Khaatumo.
War saxaafadeedka oo uu soo saaray hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabduqaadir Aw-Cali Firdhiye, ayaa lagu sheegay inaan la aqbali karin in laga hadlo mudnimo iyo wadajir, haddana aan loo ogolaan dadka SSC-Khaatumo inay qeyb ka noqdaan ka tashiga aayaha iyo masiirka Soomaaliya.
Warka kasoo baxay maamulka SSC-Khaatumo ayaa imaanaya iyadoo maanta maalinkii saddexaad uu ka socdo Muqdisho shirka Madasha oo ay ku kulmayaan Madaxda DF Soomaaliya, iyo qaar ka mid ah maamullada, iyadoo ay maqan tahay Puntland.
Arrimaha looga hadlayo shirka waxaa ka mid ah doorashooyinka iyo waqtiga maamulada oo dhammaaday tiiyo ismari waa uu ka taagan yahay sida looga gudbi karo marxaladda hadda lagu jiro.
SSC-Khaatumo oo sannad ka hor loo aqoonsaday maamul ku-meel gaar ah ayaan weli ka qeybgalin madasha Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.