SOOL (KAAB TV) -Maamulka SSC Khaatumo ayaa digniin culus u diray Somaliland oo ku wajahan hurinta iyo iclaaminta dagaal kale oo lagu soo celinayo gobolka Sool oo ay walaac ka muujiyeen.
Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka SSC ee Khaatumo Najiib Barkhad Warsame ayaa tilmaamay in ciidamadoodu ay awood buuxda u leeyihiin inay ka jawaabaan duulaan kasta oo kaga yimaada dhinaca Somaliland.
Wasiirka ayaa ku nuux nuuxsaday in ciidamada SSC ay ka hortagi doonaan khatar kasta oo kaga timaada Somaliland, isla markaana ay diyaar u yihiin difaaca dhulkooda.
Digniintan ayaa kusoo beegmeysa xili madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu booqasho ku tagay deegaano ka tirsan gobolka Sool oo ay ku jirto degmada Caynaba, ku dhawaad sanad kadib markii ciidamada Somaliland laga saaray gobolka Sool.
Taliyaha ciidamada Somaliland Nuux Taani oo la socday wafdiga madaxweynaha ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay dib u qabsadaan gobolka Sool, taasoo kor u qaaday xiisadda gobolka.
Somaliland ayaa waxaa saameeyay dhawr bilood oo colaadeed oo u dhaxaysay ciidamada Somaliland iyo ciidamada deegaanka SSC ee Khaatumo kuwaas oo ka soo horjeeda maamulka jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Soomaaliya balse aan weli aqoonsi caalami ah ka helin.
October 19, 2023, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u aqoonsatay SSC-Khaatumo maamul ku meel gaar ah iyadoo xaqiijinaysa sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay taageeridda dhammaan dadaallada lagu xasilinayo deegaanka.

