SO | EN

SO | EN

Su’aallo ka dhashay shaqada ay ku dhawaad kala bar ciidanka DF ay ka hayaan Muqdisho

|

Muqdisho (Kaab TV)– Masuuliyiinta dowladda heerarkeeda kala duwan ee leh ilaalo kamid ah ciidamada Qalabka sida oo iyaga u gaar ah waxay kor u dhaafayaan Laba kun oo mas’uul oo u dhaxeeya agaasime waaxeed taliye saldhig guddoomiye waaxeed illaa Madaxweyne Tirada askarta madaxda waardiyeysa waxaa xaddida dhaqalaaha masuulka iyo sida uu u heli karo gunno $100 ilaa $250 u dhaxeysa gawaari uu askarta ku qaato iyo deegaan qaada ciidanka. Labo ilaa 100 askari ayey u dhaxeysaa tirada ay mas’uuliyiintu isku ilaaliyaan.

Dhanka dhaqaalaha waxay dowladda ku kallifeysaa bixinta ku dhowaad $60 Milyan sanad kasta taas oo la hubo culeyska ay leedahay marka laga hadlayo dowlad ku tiirsan taageero maaliyadeed oo dibadda ka timaada Su’aasha aan la isweydiin ee laga yaabo inay wax weyn kala maqan tahay dowladnimada ayaa ah Marka aan dhab u fiirino nooca weerarrada ka dhaca Muqdisho xal uma aha tirada ciidanka ee madaxda waardiyeeya ee waxa ay kordhiyaan xaddiga khasaaraha oo kaliya taas oo muujineysa in haba yaraatee aysan u adeegeynin amni sugid iyo arrin nabadgeliyo la xiriirta midna.

Saddex meelood laba meel ciidanka AMISOM ee dalka jooga ayey tiro ahaan u dhigmaan halkaas ayaadna ka garan kartaa waxa ay ku soo kordhin karaan amniga Soomaaliya haddii loo howlgeliyo sida ku haboon. Haddii aan dhan kale ka fiiriso waxay ka badan yihiin ciidamada Danab Gorgor iyo kuwa Eritrea lagu soo tabobaray oo la isku geeyay Saddexda isbitaal ee Banaadir, Madiina iyo Martiini ee dowladda haddii sanadkii mid walba $20Milyan lagu bixiyo waxay adeeg caafimaad oo heer sare ah siin karaan ku dhowaad nus milyan Soomaali ah haddii waxbarashada lagu maalgeliyo imisa arday ayaa waxbarasho heli lahaa.

Bedka Muqdisho waxaa lagu qiyaasaa 70 Km oo isku wareeg ah, iyada oo horayba u yareyd bal ka warran wax ka yar 20Km oo isku weer ah haddii ay ku sugan yihiin 16ka kun ee askari ee aan ka hadalnay, waa mid kamid ah sababaha amni darrada ugu weyn ee jirta maadama aysan jirin cid ay ciidankan hoos tagaan iyo cid ay ka amar qaataan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News