Sucaad Carmiye oo ka mid noqotay hoggaanka xisbiga Kaah ee Somaliland

|

Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Kaah ayaa maanta doortay xubnaha hoggaanka cusub ee Golaha Dhexe ee xisbiga, kaddib shirweyne lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Sucaad Carmiye, oo ah haweeney u dhaqdhaqaaqda arrimaha haweenka, ayaa ka mid noqotay hoggaanka cusub ee xisbiga, iyadoo loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Qurbejoogta ee Xisbiga Kaah.

Doorashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli xisbiyada siyaasadeed ee Somaliland ay dib u habeyn ku sameynayaan hoggaamiyeyaashooda iyo qaab-dhismeedkooda gudaha.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News