SO | EN

SO | EN

Suudaan oo hanjabaad culus udirtay dalka dariska la ah ee Chad

|

Suudaan (KAAB TV) – Milatariga dalka Suudaan ayaa digniin adag oo kama dambeys ah u diray dalka dariska la ah ee Chad, kaa oo la sheegay in ay adeegsanayaan ciidamada RSF ee dagaalka kula jira milatariga.

Sidoo kale, Kaaliyaha taliyaha guud ee ciidanka milatariga Suudaan, Jen. Yasser Al-Atta l, ayaa ku eedeeyay dowladda Chad in ay hurineyso colaada Sudan, waxa uuna ku eedeeyay in ay taageerayaan ciidamada RSF ee dagaalka ku jiro milatariga talada Suudaan haya.

Dhanka kale, Janaraalka ayaa sheegay inay bartilmaameed sharci ah u aqoonsanayaan oo ay weerarri doonaan garoommada diyaaradaha dalka Chad ee u adeegga inay saadka kala soo deggaan kooxda RSF iyo inay sidoo kale ka soo kacaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee taageerraya RSF.

Sikastaba, hanjabaadan kasoo yeertay milatariga dalka Sudan ayaa imaaneysa xilli dagaal xooggan oo ka dhacay caasimadda Khartuum lagu jabiyay ciidamada RSF, lagana qabsaday xarumo muhiim ah oo ay ku jirto madaxtooyada oo kooxda heesatay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News