MUQDISHO (KAAB TV) – Iyadoo wax kayar bil ay ka harsan tahay bilaabashada bisha Ramadaan ayaa dadka ku dhaqan Muqdisho, waxay ka cabanayaan qiimaha khudaarta oo sare u sii kacaya.
Ganacsatada suuqa Khudaarta ayaa sheegaya in dalagga qaarkiis uu dalka ku sii yaraanayo sida cambaha oo hadda laga soo geliyo dhanka Kenya.
Ganacsatada ayaa sheegaya in isbeddelka cimillada iyo kuleylka sii badanaya ay sabab u tahay in dalabka uu kordho, halka sicirka lagu kala iibsado khudaarta uu sare u sii kacayo.