Muqdisho (KAAB ) Maanta oo Talaada ah waxaa xiran dhamaan goobaha ganacsiga suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay isugu soo baxeen gacansatada.
Ganacstada ayaa ka cabaysa dhibaatooyin ay sheegeen in ay ku qabaan lacag xad dhaaf ah oo laga qaado taas oo ay tilmaameen in ay xamili waayeen sidaas darteeda ay u xireen goobahooda ganacsiga.
Waddooyinka suuqa bakaaraha ayay isugu soo baxeen maanta ganacsatada suuqa Bakaaraha oo ah kan ugu wayn Soomaaliya ayna ku tiirsan yihiin Soomaalida.
Waxaa la arkayay ganacsato horfdhiya goobahooda ganacsiga kuwaas oo sheegay in aysan furi doonin goontooda ilaa wax laga qabto waxyaabaha keenay in cabasho ay dhigeen.
Dowladda Soomaaliya ayay ka codsadeen in ay wax ka qabato cabashadooda oo noqotay mid soo noq noqotay .