SO | EN

SO | EN

Suuriya oo yeelatay Ra’iisul wasaare ku meel gaar ah kaddib markii ay lawareegeen mucaaradka

|

Suuriya (KAAB TV) – Muxammad Al-Bashiir ayaa loo magacaabay Ra’iisul wasaaraha kumeel-gaar ah ee Suuriya kaa oo shaqadiisa ay noqon doonto inuu soo dhiso dawlad cusub oo maareysa marxaladda kumeel-gaar ah ee Suuriya Waa tallaabo meesha looga saarayo firaaqa nidaam ee shalay ay gashay Suuriya, markii dhaqdhaqaaqa mucaaradka ay la wareegeen xukunka, iyagoo meesha ka saaray nidaamkii Bashaar Al-assad.

Sidoo kale, Al Bashiir, ayaa 13 bishii Jannaayo ee sannadkan, 2024 waxaa loogu doortay magaalada Idlib oo ay ka yimaadeen xooggaga la wareegay xukunka Suuriya inuu noqdo Ra’iisul wasaaraha dawladda badbaadada Suuriya (SSG), si ay u maamusho Idlib iyo waqooyiga Suuriya, markaa oo uu dhisay gole wasiirro iyo hay’adihii kale ee dawladda.

Muxammad Al-Bashiir, waxa uu ku dhashay Jabal Zawiya ee gobolka Idlib sannadkii 1983-kii, waxa uu ka qallin-jabiyay jaamacadda Xalab sannadkii 2007-dii oo uu ka qaatay shahaahada injineernimada ee dhinaca korontada.

Sannadkii 2011-kii, Al-Bashiir waxa uu noqday madaxa qaybta qalabka gaasta ee shirkadda Gaaska Suuriya. Wuxuu xiriir wanaagsan la leeyahay Julani iyo xubnaha golaha shuurada kooxda Hayʼat Tahrir al-Sham ee hoggaaminaysay kacdoonka militari ee xukunka looga tuuray Bashaar Al-assad.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News