Muqdisho (KAAB ) MW Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu kula kulmo xubno ka mid ah siyaasiin iyo madax hore kuwaas oo aad u dhaliilsan siyaasadda Xasan Sheekh.
Waxa lagu wadaa in Xasan Sheekh uu kala hadlo xubnaha uu la kulmi doono arrimo ku saabsan waxyaabaha u qabsoomay dowladiisa iyo sida ay tahay in wax laga bedelo sida hadda ay wax socdaan.
Masuuliyiinta ilaa iyo hadda la filayo in Xasan Sheekh la kulmo ayaa kala madaxweynihii 7-aad ee dalka Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre, Shariif Xasan Sheekh Aadan, C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo C/qaadir Cosoble.
Masuuliyiintan ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay ku sugnayeen magaalada Muqdisho kuwaas oo dhawrayay la kulanka madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Sheekh Shariif iyo siyaasiyiinta kale ee mucaaradka ah ayaa qorsheynayey maalmahaan inay la kulmaan xildhibaanada, si ay ugu ololeeyaan in baarlamaanku diido qorshaha wax looga bedelayo dastuurka.
lama oga waxa kasoo bixi doona kulanka beri ka dhacaya aqalka villa Soomaaliya, madaxtooyada ayaa dadaalkeeda ugu badan isugu geyneysa sidii xubnahan looga dhaadhicin lahaa taageerida wax ka bedelka dastuurka.
Masuuliyiintan waxa ay in dhawaalaba ay qabeen aragti ah in Dowladda Federaalka wadada ay qaatay aanay sax ahayn oo ay jiraan dhaliilo loo baahan yahay in la saxo waqtigan.