MUQDISHO (Kaab TV) – Dowladda Sweden ayaa berito oo Isniin ah la filayaa inay Muqdisho kasoo dejiso 28 ruux Soomaali laga soo tarxiilay dalka Sweden, kuwaasi oo si qarsoodi ah diyaarad looga soo saaray Sweden.
Sida uu shaaciyay Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, 28 ruux ayaa ah Soomaali haysata sharciga dalka Sweden hase ahaatee dembiyo ka galay dalkaasi.
Xildhibaanka wuxuu sheegay in uu ku jiro hal ruux oo galay dembi xadgudub galmo oo ka dhan ah carruurta.
“Shacabka Soomaaliyeed waa inay ogaadaan runta: mas’uuliyiin musuqmaasuq ah — Ahmed Dahir, iyo Kamal Gutale xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyo Yahya Hagi “De Facto” Agaasimaha Guud ee Socdaalka iyo Jinsiyadda — ayaa xornimadeena iyo madax-bannaanideena ka iibiyey Midowga Yurub iyo UK iyagoo galay heshiis sir ah oo la yiraahdo “Kiiska Gaarka ah”, kana qaaday $45,000 dambiile kasta oo la masaafuriyo,” ayuu yiri Xildhibaanka oo qoraal war saxaafadeed soo saaray.
PRESS RELEASE – URGENT
STOP SWEDEN GOVERNMENT DUMPING CRIMINALS WITH SPECIAL CASE FLIGHT ON MONDAY 22 SEPTEMBER 2025 AT 5:00 PM IN MOGADISHU
September 21, 2025
The Somali people must know the truth: corrupt officials – Ahmed Dahir, and Kamal Gutale the Office of the Prime… pic.twitter.com/dPd0BZR6si
— MP Dr Abdillahi Hashi Abib (@MPDrAbib) September 21, 2025
“Lixdii bilood ee la soo dhaafay, waxay soo duulinayeen kufsiyaal, kuwa xadgudba carruurta, iyo hoggaamiyeyaal kooxo dambiile ah oo ka yimid Yurub kuna sii daayay Muqdisho.”
Diyaaradda keeneysa dadka lasoo tarxiilay ayaa lagu wadaa inay timaado Garoonka Aadan Cadde saacadda 5:00 galabnimo Isniinta berito.
Diyaaraddu ma lahan liiska rakaabka ee manifesto loo yaqaano.
Xildhibaan Abiib ayaa sheegay in hadda Soomaaliya ay noqotay meel qashin-qub ah oo lagu soo daadiyo dhammaan dembiilayaasha caalamka laga soo celiyo.
“Tani ma aha socdaal sharciga ah — waa musuq, wadani-darro, iyo ka ganacsi bini’aadantinimo,” ayuu yiri Xildhibaan Abiib oo si adag u dhaliila xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud.
Xildhibaanka ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo diyaaraddan, in la qabto dhammaan mas’uuliyiinta musuqmaasuqa ku lugta leh, iyo in la joojiyo qorshahan Yurub ku tahay meel lagu tuuro dambiilayaasha.
Dhowaan ayaa Kaab TV wuxuu ogaaday in dowladaha Switzerland iyo Finland ay Soomaaliya ku cadaadiyeen inay aqbasho soo celinta dad dembiyo ka galay wadamadaas oo ku jira xabsiyo.
Finland ayaa dhankeeda goysay gargaarka dhanka horumarinta oo ay ku bixin jirtay Soomaaliya illaa iyo inta ay Soomaaliya ka aqbaleyso dadka la soo musaafuriyo.
Switzerland ayaa sidoo kale sannadkan horraantiisii codsatay in saddex ruux oo Soomaali ah oo dalkaasi ku xiran loo soo musaafuriyo Muqdisho, walow ilo wareed ku dhow Wasaaradda Amniga Soomaaliya uu Kaab TV u sheegay inay Soomaaliya diidday dalabkaasi.

