SO | EN

SO | EN

Taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo si kulul u cambaareeyay weerar dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen ciidamadooda

|

jowhar (KAAB TV) -Taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa si kulul u cambaareeyay weerar dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen ciidamadooda oo ku sugnaa deegaanka Buurane oo hoostaga degmada Mahadaay ee maamulka Hirshabeelle.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay AUSSOM, askartan ayaa xilli ay nadiifinayeen goob ay ku degi lahayd diyaarad helicopter ah, waxaana weerar kedis ah kala kulmay kooxdan hubeysan. Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo ka kooban kuwa nabad ilaalinta Burundi ayaa la sheegay in ay iska caabiyeen kooxihii weerarka soo qaaday, islamarkaana ay dileen hal dagaalyahan.

“Falka fulaynimada ah ee loo adeegsado qaraxyada waddooyinka dhinaceeda ma joojin doono go’aankeenna ah in Soomaaliya ay hesho nabad waarta oo dadkeedu ay u oomanayeen,” ayuu yiri Ku-simaha Madaxa AUSSOM, Sivuyile Bam.

Bam ayaa bogaadiyay jawaabta degdega ah ee ay bixiyeen ciidamada Burundi, taasoo uu sheegay inay gacan ka geysatay yaraynta khasaaraha. Si kastaba ha ahaatee, AUSSOM ma aysan shaacin tirada askarta looga dilay ama lagu dhaawacay dhacdada.

“Waan sii wadi doonnaa taageerada aan siinno dowladda Federaalka iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab iyo kooxaha kale ee sida sharci darrada ah u hubeysan,” ayuu Bam hadalkiisa ku daray, isagoo caddeeyay inay AUSSOM ka go’an tahay xasilinta Soomaaliya.

Weerarku wuxuu muujinayaa khatarta sii socota ee Al-Shabaab, inkastoo ay jiraan weeraro waaweyn oo dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ay ku doonayaan inay dib ugu soo ceshadaan dhulalka ayna wiiqaan awoodda howl-gal ee kooxda.

AUSSOM, oo badashay howlgalka Midowga Afrika ee kumeel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) horaantii sanadkan, ayaa sii wada bixinta taageerada dhanka saadka, hawlgalka, iyo xasilinta ee ciidamada ammaanka Soomaaliya, iyadoo ay socdaan dadaallo lagu doonayo in si tartiib tartiib ah mas’uuliyado amni oo buuxa loogu wareejiyo dowladda Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News