Taliska Ciidanka dhulka Somalia oo war kasoo saaray qarixii saakey ee Jaalle Siyaad

|

Muqdisho (KAAB TV) – Taliska ciidanka dhulka Somalia oo war kasoo saaray qarax ismiidaamin ah oo saakey kadhacay gudaha xerada Jaalle Siyaad oo ay kujiraan cutubyo kamid ah ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale, Warkan kasoo baxay taliska ciidanka dhulka somalia ayaa lagu yiri “Abaare 08:21 Subaxnimo la toogtay nin waxyaabaha qarxa isku soo xiray oo doonayay inuu isku qarxiyo albaabka laga gelo kuliyadda Jaalle Siyaad.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay talus

Dhanka kale, taliska ciidanka dhulka ayaa cadeeyay in uu san jirin wax khaasre ah oo soo gaaray ciidanka markii laga reebo kaliya qofka isku soo xiray waxyaalaha qarxa.

“Ciidanka geesiyaasha XDS habeen iyo maalin waxey u taagan yihiin inay ka hortagaan dhagarta kooxda argagixisada iyo ciribtirkooda” ayaa lagu soo xiray War-saxaafadeedka.

Al-Shabaab oo looga bartay qaraxyada noocan ah ayaan illaa hadda sheegan, wax war ahna  ka soo saarin qaraxan ismiidaaminta ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News